|

SAWIRRO: Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Filim ku saabsan qaabkii uu u dhacay Weerarkii Ceel Cadde

Muqdisho (QJ/SDN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Filim Muuqaal ah oo ku saabsan weerarkii ay ku qaadeen Deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, gaar ahaan xero ay Ciidamada Milatariga Kenya ku lahaayeen Deegaankaasi.

Filimka oo soconaya 48-daqiiqo ayaa waxaa loogu magac daray “Duullaanka Sheekh Abuu Yaxye Al-liibi”Filimkan ayaana lagu soo bandhigay qaabkii uu ku bilowday Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Deegaanka Ceel Cadde iyo dagaalkii dhax maray Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya.

Weerarka Al-Shabaab ku qaadeen Xerada Ceel Cadde, ayaa ku bilowday Weerar is qarxin ah uu fuliyay dagaalyahan katirsan Al-Shabaab, waxaana qaraxa kadib Xerada Weerar toos ah ku qaaday dagaalyahano badan oo katirsan Al-Shabaab.

Filimka Al-Shabaab soo bandhigeen ayaa waxaa ka muuqda Qasaarihii Ciidamada Kenya kasoo gaadhay Weerarkii Ceel Cadde, Hub iyo gaadiid dagaal oo laga qabsaday iyo sidoo kale Maxaabiis Nolosha lagu qabtay.

Halkan Guji Oo Ka Daawo Filimka Ceel-cadde, Haddii Aad Haysato Khad Internet Oo Wanaagsan

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Filimka Ceel-cadde
























Comments are closed