|

Jamaal Cali Xuseen Oo Hanjabad U Diray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xisbiga Kulmiye

Hargeysa 10.April 2016 (SDN/QJ): -Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in cida ay gacantiisa ay ku baxayso xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye yahay isaga, islamarkaana wuxuu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka gudubtay khadkii casaa, isla markaana shacabka ugu baaqay inay foojignaadan.

Jamaal-Cali-XuseenJamaal Cali Xuseen Isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Nin waliba intuu qorigiisa iyo hubkiisa soo qaato ayuu wax iska celinayaa, dalkan aynu joognaa halkaasaynu maraynaa, halka aynu maraynaa waa meel halis ah. Xukuumaddan iyo nimankan Kulmiye jooga, markii la joojin waayay ee carba la odhan waayay ee wax walba sameeyeen oo maanta halka aynu marayno waadiga arkayaa,haddaba malaa qolada ay ku dhimanaysay waa aniga oo gacantayda ayay ku baxayaan.”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen, waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Sababtoo ah way joogsan la’yihiin, oo intay maalkii umadda gurteen oo abaarihii sidii loogu tarki falay oo la lahaa waar ka daaya, ayay markii dambe iyagu si kale u fekereen oo ay yidhaahdeen imika ayaanu abaarihii dareenay.”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

Sidoo kale, Jamaal Cali Xuseen wuxuu farriin u diray bushadda reer Somaliland oo ugu baaqay inay foojignaadaan“Waxaan leeyay qof waloow waar ha eegin dantaada ee danta dalka eeg, Somaliland meel halis ah ayay maraysaa, qof walba waajib baa ka saaran inuu dulmigga lagu samaynayo Haatuf, saxaafadda kale ee xidhxidhina, cida kale ee mucaaridka ah ee hadla lagu samaynayo ee guryahoogii loo soo dhacayo, waxa weeye khadkii casaa laga baxay, ha la foojignaado oo ha la digtoonado ayaan leeyay.” Ayuu yidhi Jamaal

Comments are closed