SAWIRRO: Saxaafadda Somaliland Oo Ka Doodaysa Wax ka baddalka iyo Dhaqan galinta Xeerka Saxaafadda
Hargeysa (QJ/SDN) – Dallada suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa soo qaban-qaabisay kulan lagu lafa guraayo xeerka saxaafadda Somaliland ee xeer No:27/2004, waxaana kulankani uu daba socday kulamo hore oo loogu ololaynaayay wax ka baddalka iyo dhaqan galinta xeerka saxaafadda Somaliland.
Kulankan oo mudo Sedex Cisho ah socon doona ayaa waxa lagu lafa guri doonaa Qaybtii 2aadee Mashruucaasi oo ah sidii loogu ololayn lahaa amase loogu doodi lahaa In la dhaqan galiyo, Wax ka badal iyo kaabista lagu samayn doono Xeerkaasi.
Kulankan oo uu daah-furay agaasimaha SOLJA Yaxye Maxamed ayaa waxa uu socon doonnaa muddo saddex cisho kaasi oo diirada lagu saari doonno saddexdaas cisho wax ka baddalka iyo dhaqan galinta xeerka saxaafadda Somaliland.
Sidoo kale kulankan ayaa waxa qayb ka ahaa, Suxufiyiinta madaxa-bannaan, ururada bulshada, xubno ka socday Hay’adaha xuquuqul insaanka Somaliland iyo xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka Somaliland.