Daawo:- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kormeeray Dekedda Berbera
Berbera (QJ/SDN) – Madaxweyne-ku-xigeenk.Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylaci” ayaa waxa maanta soo kormeerey qaybaha kale duwan ee dekedda Berber.
Waxa uu Saylici ku ammaanay Maareeyaha dekedda Berbera wax-qabad la taaban karo oo uu ka hir-geliyey guud ahaan dekedda Berbera, waxaana uu tilmaamay in uu si hagar la’aan ah uu uga shaqeeyey ballaadhinta, casriyeynta iyo weliba dib-u-habeynta dekeddaasi.
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylaci, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey kormeer uu ku soo maray dhismaha ballaadhinta barxadda Wajaale ee dekedda Berbera.