“Madaxweyne waanu kaaga mahadnaqaynaa sidii aad noogu soo gurmatay Wakhtigii Abaaraha Laakiin waxa nagu hadhay oo aan iyana kaaga baahanahay Gurmada Abaar Maamul Xumo” Maayirkii hore ee Boorama
Boorama, 08.April 2016 (SDN/QJ):-Maayirkii Hore ee magaalada Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa sheegay in degmada boorama ay hadhaysa waxa uu ugu yeedhay Abaar Maamul xumo oo ka jirta maamulka degmada boorama oo uu ugu horeeyo maayirka degmada boorama mr maydhane.
Mudane Xadi ayaa madaxweyne Siilaanyo uga mahadnaqay sidii uu ugu gurmaday shacabka abaarahu saameeyeen ee ku dhaqan gobalka awdal balse waxa uu sheegay inay ku hadhay gurmadka maamul xumo ee haysta degmada boorama taas oo uu ku macneeyay in uu ku taageero mooshin ay wadaan oo ay xilka kaga xayuubinayaan maayir maydhane iyo ku xigeenkiisa waxaanu yidhi;
“Madaxweyne waanu kaaga mahadnaqaynaa sidii aad noogu soo gurmatay Wakhtigii Abaaraha iyo Taageeradii aad gaadhsiisay dadkii abaarahu saameeyeen Laakiin waxa nagu hadhay oo aan iyana kaaga baahanahay Gurmada Abaar Maamul Xumo”
Geesta kale xadi ayaa shaaciyay in ay saxeexeen xildhibaanada badankoodu mooshin xilka lagaga qaadaayo maayirka iyo ku xigeenkiisa islamarkaana ay dhawaan soo dhigayaan golaha dhexdiisa waxaanu sheegay in guud ahaanba xaaladii degmadu istaagtay ka dib markii maayirku ku haftay hawsha maamul oo uu ku tilmaamay mid aanu aqoon iyo khibrad midna u lahayn
Sidoo kale shalay ayay ahayd markii xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Boorama ay sheegeen inay wadaan mooshin ka dhana maayirka iyo ku xigeenkiisa iyaga oo ku eedeeyay musuq iyo maamul daraan xoogan
Isku soo wada duuboo xaalada golaha deegaanka boorama ayaa hada u muuqata mid cakiran oo hakisay dhamaanba adeegyadii looga baahnaa