|

Soomaali Kelyaha Iyo Beerka Lagala Baxay Oo Meydadkooda La Helay, Magacyada Saddex Carruur Ah & Gabadh Reer Somaliland Ah Oo Ku Jira

Masar, 07.April 2016 (SDN/QJ):-  ILAAHAY ha u Naxariisto’e, Meydka 9 Qof oo Saddex Carruur yihiin Isla-markaana dhammaantood Soomaali ah, ayaa laga helay Xeebta Magaalada Iskandariya ee Dalka Masar.

 

Soomaali beerka iyo Kalyaha lagala baxaySagaalkan Qof oo ay ku jiraan Saddex Carruur ah, ayaa Sawirrada laga qaaday oo la baahiyey waxa muuqda in Dhammaantood Laabtooda la jeexay, isla-markaana dib loo toley, iyadoo Warbaahinta Warkooda soo tabisay sheegeen in Dhakhaatiir Masaari ah Beerka iyo Kalyaha kala baxeen, dibna u Toleen Meydadkooda.

 

Saddexda Carruurta ah, ayaa Magacyadooda Abuukar Cabdikariin oo Saddex Bilood oo keliya jiray, Anfac Cabdikariin oo Sannad iyo Bil keliya jiray iyo Abuukar oo 7 Sano jir ahaa.

 

Saddexda Carruurta ah iyo Lixda Qof ee kale oo ay ku jirto Gabadh Reer Somaliland ah oo Magaceedu yahay Cadar Xasan Caddaawe, ayaa la sheegay inay Magaalada Iskandariya u tageen si ay ugu Tahriibaan Dalka Talyaaniga, laakiin sida la sheegayo Waxa Dhakhaatiir u dhashay Dalka Masar oo ka Ganacsada Xubnaha Jidhka Bani-aadamka oo Beerka iyo Kalyuhu ka mid yihiin, ayaa si ku talo-gal ah Dadkaasi Soomaalida ah ee Qoxootiga ah Kalyaha iyo Beerka ugala baxay.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee Dunida Dacalladeeda Qoxootiga ku ah, ayaa waxa haysta dhibaato ay kala kulmaan Dadka Ajaanibka ah ee ay Dalalkooda ku nool yihiin.

 

Sawirrada Dadka Maatida ah ee Hooyada iyo Carruureedu ka mid yihiin ee kalyaha iyo Beerka lagala baxay, ayaa Murugo iyo Calool-xumo ku abuureysa Qof kasta oo Soomaali ah oo Arka ama arkay.

 

Dhibaatada Dadka Soomaalida ku haysta Dalalka Dibadda kuma koobna Masar oo keliya, laakiin meelaha ugu badan ee sida joogtada ah loogu dilo isla-markaana hantidooda loogu dhaco waxa ka mid ah Dalka Koonfur Afrika.

 

Sannadkii 2014-kii, ayaa tirada Soomaalida lagu dilay Dalka Koonfur Afrika waxa lagu sheegay 60, halka Sannadkii 2015-kiina tiro intaa ka badan lagu dilay.

Comments are closed