Wasiirka Hawlaha Guud oo Xafiiskiisa Kulan kula qaatay Qaar ka mid ah Hay’adaha Caalamiga ah iyo arrimaha laga wada hadlay
Hargeysa 07.April 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa kulamo Gaar-gaara la qaatay Hayadaha ILO iyo UNHABITAT.
Wasiirka waxa kulankan ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mukhtaar Maxamed Cali
Kulankan ayaa mid la iskula soo qaadey Mashriicdda Horumarineed ee labadda Hayadadood la qaban doonaan Wasaaradda Hawlaha Guud ee sannadka 2016. Kulanadan ayaa ahaa qaar hordhac ah waxaana la iskula qaatay.
- In layska waraysto laysna update gareeyo habsami usocodka wada shaqaynta Wasaaradda ILO iyo UNHABITAT.
- In laysla eego activities 2016 ka ee ka dhaxeeya Wasaaradda ILO iyo UNHBTAT.
- In Wasiirka lagu soo casuumo shirka wayn ee isugu imanayaan qaadhaan Bixiyayaasha iyo Dawladu, si loogu ansixiyo budget 2016 ee mashruuca JPLG somaliland ,
- Gabogabdii waxa laga wada hadlayo sidii ay isku kaashan lahaayeen Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland iyo Labaddan Hayadood.
- Angela Atsiaya, ILO, JPLG Program Manager, Head Office in Kenya
- Abdihamid, ILO , Somaliland Program Officer,
- Mohamed Ahmed Hussein, Technical Advisor
- Yasmin Saed Dirie , Technical Advisor
Halka UNHABITAT Ka socdeen
- C/RAXMAAN, UNHABITAT, GPLG Program Manager, Head Office in Kenya.
- Iyo AXMED, UNHABITAT, Somaliland Program Manager.
Shirarkan Gaar-gaarka ahaa ee Wasiirku la qaadanyey labaddan haydood ayaa kusoo afmeermay Jawi degan iyo isafgar ayaa Gaadheen dhinacayadii kala duwanaa.