Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxda Mashruuca JPLG + SAWIRRO
Hargaysa 05.April 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa ugu sareeya Mashruuca JPLG-ga oo Caawiya Dawladaha Hoose.
Mashruuca JPLG ga oo Caawiya Dawladaha Hoose iyo Maamul daadejinta ayaa waxa uu Soomaliland ka bilaabmay 2008, mashruucan oo ay ku bahoobeen shan haayadood UNDP, UNICEF, UNCDF,ILO, UN-HABITAT ayaa waxay ka wada shaqeeyaan kor uqaadida awoodaha iyo xifadaha dawladaha hoose iyo inay bixiyaan adeegyo hufan iyadoo dhinac ay ka tahay in la hirgaliyo siyaasada maamul daadejinta ee uu golaha wasiiradu ansixiyeen dhamankii sanadkii hore.
Mashruucan oo ka hirgalay 8 degmo (Hargaysa, Berbera, Borama, Burco, Shiekh, Gabilay, Oodwayne iyo Zayla) ayaan lasoo koobi Karin natiijooyinka ay ka gaadheen iyo sida ay awoodoodu u dhisantay, sidoo kale dawladaha hoose waxay ka helaan maal galin xaga dhismayaasha sida wadooyinka iyo wixi lamida.
Hadaba Wefdigan oo uu hor kacayo Maamulaha sare ee mashruuca JPLG Poul Simkim oo ay ku weheliyaan BOBIRJAN TURDIYEV (JPLG PMU) FRIDAH.KARIMI (JPLG PMU), ABDUBA MOLLU, (JPLG PMU), DMITRY POZHIDAEV (UNCDF) iyo MAHDI OMER SHEIKH (JPLG PMU) ayaa saaka kulan la yeeshay Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada soomaalind ahna Hogaamiyaha Mashruuca JPLG iyo Maamul daadejinta ee soomaaliland oo ay ku weheliyaan xubno ka socda Wasaaraada Arimaha Gudaha oo kala ah Wasiir ku xigeenka Gobolada iyo degmooyinka Mudane JAMA ABDALA WARSAME, Agaasimaha Guud, ABDIFATAH SICID AXMED Agaasimaha Gobolada iyo degmooyinka iyo la taliyeyaasha Mashruucan.
Ujeedada kulankan aya waxa ugu muhiimsanaa in la qorsheeyo sanad hawleedka 2016 iyo sidii loo horumarin laha mashruucan iyo sidii loo gaadhsiin laha guud ahaan dalka Somaliland.
Ugu danbayntii Madaxweyne ku xigenka jamhuuryada Somaliland Cabdiraxman Cabdilahi (Saylici) ayaa waxa uu sheegay in uu marka hore u mahad naqaayo qaadhaan bixiyeyaasha Mashruuca JPLG-ga taageera oo uu ku tilmaamay in ay ku bixiiyaan lacag aad u badan. Ugana Mahad celiyay taageerada ay siiyaan Somaliland.