|

Daawo:- Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Xafiiskiisa Kusii Sagootiyay Arday Reer Somaliland Ah Oo Dood Caalami Ah Ka Qayb-galaysa

Hargeysa (QJ/SDN) – Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdillaahi Maxamed Habbane ayaa maanta xafiiskiisa ku sii sagootiyay arday reer Somaliland ah oo ka qayb-galay tar-tar aqooneed dood caalami ah oo waddamada carabtu ku loolamayaan.
101_6357

Ardaydan oo ka kooban afar arday oo ka kala socda Dugsiyada Blooming iyo Young Muslim Academy, ayaa waxa ay ka qayb gali doonaan tartan aqooneed luuqadda carabiga ah [dood] oo ay ku tartamayaan arday ka kala socota wadamada Jaamacadda Carabta, tartankaasi oo ka dhici doona magaalada Dooxa ee Dalka Qatar.

Ugu horreyn agaasimaha waaxda dugsiyada gaarka loo leeyahay ee wasaaradda waxbarshada Somaliland oo halkasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay ardayda iyo halka ay u socdaan, isaga oo ardayda kula dardaarmay In ay guul wanaagsan kasoo hooyaan tartankaasi.

Halkan Guji Oo Ka Dhagayso Codka Agaasimaha

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay maamulka iyo mulkiilaha dugsiyada Blooming Cali Axmed Maygaag iyo Saynab Cismaan Yuusuf oo ah Mulkiilaha dugsiyada Blooming. Iyo Maamulka Dugsiga kale ee isna ka qayb-galaya tartankani ee Young Muslim Academy Aadam Diiriye.

Halkan Guji Oo Ka Dhagayso Codka Maamulaha Blooming Cali Maygaag

Ugu danbeyntii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdillaah Maxamed Habbane, isagoona halkaasi kula sii dar-daarmay arday reer Somaliland ee tartankaasi ku matalaysa Dugsiyada Blooming iyo Young Muslim Academy oo dal ahaanna Somaliland matalaya.

Halkan Guji Oo Ka Dhagayso Codka Mulkiilaha Iskuulka Blooming Saynab

Wasiir Habbane ayaa ardayda ku dhiiri galiyay inay halkaasi guul kaso hooyay, isagoona kula sii dardaarmay in ay anshaxa iyo akhlaaqda dhowraaan oo ay magag wanaag kala soo noqdaan tartankaasi.

Halkan Guji Oo Ka Dhagayso Codka Wasiirka Waxbarashada Habbane

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkaasi

101_6308101_6319

101_6313101_6310

101_6308

101_6348

101_6339

101_6321

101_6342

Comments are closed