Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Gobollada Galbeedka Somaliland
Hargeysa (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay gobolada galbeedka Somaliland.
Ujeedada Socdaalka Madxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay indho-indhayn ay ku oo samaynayaa Dadka Iyo Duunyada ay abaaruhu Saameeyeen.
Dhanka kalena madaxwaynaha ayaa la filayaa in qaybtiisa uu gurmad gaadhsiin doono dadkaasi ay abaartu xuni ku saamaysay deegaanada gobolka awdal isla markaana sababtay dhimashada dad iyo xooloba
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ah Gudoomiyaha Gudida heerka qaran ee Gurmadka abaaraha ayaa sadex cisho ka hor ka soo laabtay Gobolada Galbeedka ee dalka .
Sidoo kale Dabayaaqadii Todobaadkii Tegay ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo Waxa uu Shaaciyey inuu qaatay go’aan uu ku hakinayo diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo qorshuhu ahaa inay ka bilaabanto Gobolka Maroodijeex 2-dii Bisha April isagoo sheegay inuu qaraarkaas u qaatay Xaalada ba’an ee abaarta dalka ka taagan.
Wixi warar ah ee kasoo kordha socdaal madaxweynaha kala soco halkan insha allaah