DHAGEYSO: Raysal-wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Soo Dhaweeyay Diiwaan-gelinta La Hakiyay Ee Somaliland
Muqdisho(QJ/SDN) – Ku xigeenka Raysal-wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte [Qaalib] ayaa taageeray go’aankii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku hakiyay diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha ee dalka ka socotay.
Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in uu madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeenayo go’aanka uu ku hakiyay diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, maadaama bu yidhi ay dalka ka jiraan abaaro.
‘’Waxaan jeclahay inaan halkan ugu hambalyeeno dowladda, madaxweynaha iyo gudidii soo jeedisay go’aanki ay qaateen ee ahayd in ay joojiyaan diwaan-gelinta, maadaama abaaro ay ka jiraan khaasatan gobolladaas oo ay noqotay in dib loo dhigo si looga qayb-qaato gurmadka abaaraha,..’’ ayuu yidhi Raysal-wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo qaar ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho kula hadlayay.
Halkan Guji Oo Ka Dhagayso Warka Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya
Dhanka kale, hadalkan kasoo yeedhay Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Hargeysa soo gaadheen wefti ka socda Soomaaliya oo gurmad soo gaadhsiiyay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.