Ciidammada Qaranka Oo Malaayiin Shilin Ugu Deeqay Dadka Reer Somaliland Ee Abaareysan DAAWO
Hargaysa 04.April 2016 (SDN/QJ):- Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dadka Abaaruhu saameeyeen ugu deeqay 26 Milyan oo Shillinka Somaliland ah.
Kulan ka dhacay miiska saraakiisha, ayaa ciidammadu lacagtan ku wareejiyeen Guddida Taakulaynta Abaaraha Heer Qaran sida uu Sheegay Xogyaha Guddidu Mr. Sharmaarke Geelle
“Kulan ka qabsoomay Xarunta Miiska Saraakiisha ayey Ma-daalayaashii awalba u darbanaa difaaca iyo daryeelka dadku haddana abaaraha ugu deeqeen 26,000,000 SL/SH “Lix iyo Labaatan Malyan oo SL/SH” , Allaahu Akbar! waxay muujiyeen dareenka ay dadkooda u qabaan, waan bogaadinayaa Ciidanka Qaranka JSL oo Qalbigayga ruxay, haddii wiilkii ku difaacayey deeqna ku daray bal maxaad dhawran adigu?,” ayuu facebook ku soo daabacay Mr. Sharmaarke Geelle.
Sidoo kale, Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka qaybgalay daad- guraynta iyo gurmadka dadka abaaruhu ka haleeleen Gobollada Galbeedka fog ee Somaliland.