|

Sucuudiga oo khilaafkii Gacanka Carabta Ka bacdi Isbaahaysi Ka raadsanaya Afrika (Faallo Salem Solomon)

Riyadh, 04.April 2016 (SDN/QJ):- Boqortooyada sucuudiga ayaa niyadda ku haysa inay ka soo tallowda badda cas si ay isbaahaysi uga samaysato mandaqadda Geeska afrika, xeebtaas oo aan ka madhnayn budhcad badeeda, mukhaadaraadka iyo tahriibinta hubka sharcidarada ah.

sauidiRabitaankan sucuudiga ayaa ah mid muuqda ka hor intii aanay farogelinta millateri ku samaynin Wadanka Yaman, iyagoo sanadihii u dambeeyey dhisay isbaahaysi ay ku jiraan xulafo Afrikaan ah oo ka caawinayay sidii kooxda xuutiyiinta ee reer Yaman looga saari lahaa dalka intiisa badan oo ay gacanta ku hayaan.

 

Dalka Ereteria ayaa kaalin ku lahaa isbaahaysigaasi milateri ee dalalka khlaiijka ee Sucuudigu horkacayaan inkastoo aanu ciidan ahaan kaga qayb qaadan duulaanka lagu badbaadinayo Madaxweynaha caalamku aqoonsan yahay ee Dalka yaman Cabdo-Rabbo Mansuur Haadi, waxana Ereteria ay u ogolaatay imaaraatka carabtu inay isticmaalaan saldhig Millateri oo ku yaalla magaalada Assab, halka sidoo kalena labada wadan wadaageen macluumaad dhinaca sirdoonka ah.

 

Brigadier General Ahmed al-Assiri,afhayeenka wasaaradda difaaca ee sucuudiga ayaa isaga oo u waramaya laanta afka Ingiriisiga ee Idaacadda VOA waxa uu tilmaamay sida ay sucuudigu u danaynayaan xulafo inay ka helaan geeska Afrika, waxana isagoo arintaa ka hadlaya uu yidhi sidan: ‘ Nabadgelyada iyo deganaanshaha Gobolka Geeska Afrika waxa uu noo yahay mid muhiim ah, tani waa sababta aanu u xidhiidhinayno dalalka Eritrea, Djibouti, Ethiopia, yemen iyo Sudan, waana in la xaqiijiyo in mandaqdu tahay mid kaantaroolkeedu sugan yahay, lagana hortegi karo dembiyada xuduudaha isaga gudba’.

Dadka la socda siyaasadda Gobolka ayaa ku adkaysanaya in dhaqaaqan cusub ee Sucuudigu xulafada kaga samaysanayo geeska Afrika in ay keentay iska hor imaadka ay kula jiraan jamhuuriyadda Iran ee ku aaddan tartanka awoodda ee Gobolka Bariga dhexe .

Mr Phillip Smyth oo ah baadhe ka tirsan Jaamacadda Maryland ee Dalka Maraykanka ayaa waxa uu idaacadda VOA u sheegay in hayaanka cusub ee Sucuudigu ku tegay Geeska Afrika ay tahay ka hortag uu ku samaynayo in Iran halkaa ku yeelato saamayn dhanka awooda ah, iyadoo dhanka kalena Sucuudigu isu dhigayaan inay sii ahaadaan quwad goboleeda mandaqadaasi.

Mr Smyth waxa uu tilmaamay in gaadhitaanka Sucuudiga ee Dalka Sudan oo ahaa saaxiib Qaddiim ah oo Iran lahayd ay tahay arin nooc cusub ah iyadoo Sudan oo qayb ka ah ciidamada xulafada carbeed ee Yaman ka dagaalamaya ay dhowaan dhanka Boqortooyada ka heleen deeq qiyaastii gaadhaysa ilaa $ 5 billion.

Comments are closed