|

“Xoojinta Haweenka Afrika Waxay Yarayn Kartaa Aids-ka” Professor Quarraisha Abdool Kari moo

Addis Ababa, 04.April 2016 (SDN/QJ):- ‘ Illaa aynu ka dhamayno dunida cudurka Aids-ka hadii ay daaweyn lagu sameeyey tahay ama ay ka hortagiisa oo la badiyey tahayba ma qabo in hawshaydu dhamaatay’ sidaa waxaa tidhi Professor Quarraisha Abdool Kari moo todobaadkii hore la guddoonsiiyey abaalmarinta sayniska ee haweenka adduunka, iyadoo abaalmarintan ku muttaysatay halgankii dheeraa ee ay ka samaysay la dagaalanka Virus-ka baabi’iya xubnaha difaaca jidhka ee HIV-AIDS, taasoo ay u soo raacdo dadaalada dheeraadka ah ee ay ka gaystay sidii ay haweenka Afrika isaga ilaalin lahaayeen cudurkaasi.

iad37 Milion oo ruux ayaa la nool Virus-ka HIV adduunka oo dhan, xilli uu cudurkani sii wado inuu ku sii dhexfaafo bulshadacaalamka, iyadoo sanadkii 2014 oo keliya uu haleelay oo ku dhacay dad gaadhaya 2 Milyan oo qof, sida ay sheegtay gabadhan reer Afrika ee Quarraisha  oo 25-kii  sano ee u dambeeyey waday baadhitaano ku saabsan cudurka HIV AIDS iyadoo u sii maraysay dariiqa haweenka sidoo xanuunkaa wax looga qaban lahaa ama hoos loogu dhigi lahaa faafitaankiisa, waxa ay aaminsan tahay in ka hortagga cudurkan ay marka hore mas’uuliyadiisu saaran tahay ragga, dhanka kalena waxa ay ka dayrisay in isticmaalka cinjirka ee xiliga galmadu aanu haba yaraatee wax natiijo ah oo ka hortag ah oo la taaban karo keenin mudadii labaatanka sanadood ahayd ee u dambaysay.

Quarraisha Abdool Karim oo dalbanaysa in haweenka Afrika  loo ogolaado fursad ku filan oo ay kula dagaalamaan caabuq sidaha HIV ayaa  shabakada http://www.theafricanews.net uga warrantay waxyaabaha dhiirigelin kara hoos u dhiga cudurkan ayaa waxa ay tidhi sidan:’ Waxaan ku dhiirigelinayaa hablaha da’doodu yar tahay ee damiirkoodu yahay inay dunida isbedel ka sameeyaan waa inay si weyn ahmiyadda u saaraan dhanka barashada xirfadaha cilmiga iyo sayniska’ iyadoo intaa raacisay in iskaashi ragga iyo haweenka ee dunida korkeedu uu weli yahay mid badan , sidaa darteed ay lama huraan tahay in la xoojiyo cududa haweenka si ay qayb weyn uga qaataan hoos u dhigga dhibaatooyinka caalamiga ah oo uu ugu horeeyo cudurka Aids-ka.

Comments are closed