|

SAWIRRO: Biyihii Webiga Shabeelle oo bilaabay inay soo laabtaan

Jawhar (QJ/SDN) – Saddex toddobaad ka dib Webiga Shabelle, ayaa waxaa uu bilaabay inuu biyo keeno, waxaana laga dareemay qaybo ka mid ah Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.

Magaalada Jowhar oo kale oo uu maro Webiga Shabelle, ayaa waxaa maanta lagu arkay iyadoo ay caadi u soo laabanayaan biyihii Webiga Shabelle, taasoo farxad gelisay dadka deegaanka.

Bulshada ku dhaqan Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo isugu soo baxaaya meelaha uu maro Webiga, waxayna qaarkood ku qubeysanayeen derbiga laga dhex dhisay Webiga ee loo yaqaano (Xiintoyda).

Saacadaha soo socdo, ayaa waxaa suurta-gal ah in biyahan Webiga Shabelle ay gaadhaan qaybo ka mid ah Deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose, sida Degmada Afgooye.

Webiga Shabelle oo mara Gobolada Hiiraan, Shabellaha Dhexe & Shabellaha Hoose, ayaa beeraleyda u suurta-gelinaaya inay kaga faa’iideystaan beerashada dalagyada kala duwan ee sanadkan.

Waa markii ugu horeysay oo uu gudho biyihii Webiga Shabelle, taariikhda inta ay xuseyso, waxaana taasi sabab looga dhigay markii ay biyo xidheen ku sameysay Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya.

Shabelle Shabelle1 Shabelle2 Shabelle3 Shabelle4 Shabelle5 Shabelle6 Shabelle7 Shabelle8 Shabelle9Shabelle91Shabelle92Shabelle93Shabelle94Shabelle95Shabelle96Shabelle97Shabelle98Shabelle99

Comments are closed