|

“Cabdiraxmaan Cirro Muu Oggalaan Diiwaan-gelinta La Hakiyey, Muuse Biixi iyo Faysal-na Wanjal Been Ah Ayey Ka Sameeyeen..” Gudoomiye Ku Xigeenka Waddani DAAWO

Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, ayaa beeniyey in guddoomiyaha xisbigaas Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) uu oggalaaday go’aankii madaxweyne Siilaanyo ku hakiyey diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland, waxaana uu tilmaamay in wanjal been abuur ah ay ka sameeyeen guddoomiyeyaasha xisbiyada Kulmiye iyo Ucid isla mar ahaantaana ay umadda u sheegeen wax aan ka soo bixin afka guddoomiyaha xisbigaas Md.Cabdiraxmaan Cirro.

Md.Axmed Muumin Seed, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey munaasibad ay qabsadeen garabka haweenka xisbiga WADDANI oo u debaal-degaayey sannad guuradoodii 1aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aas aasay, waxaana uu ugu horreyn hambalyo iyo boggaadin ballaadhan uu u diray guud ahaanba haween weynaha xisbiga WADDANI, isaga oo carabka ku dhuftay in xisbiga WADDANI uu yahay xisbigii ugu horreeyey ee intii asxaabta siyaasaddu ay jirtay hirgeliyey in uu aas aaso garab haween oo iyagu dhexdooda si dumuqraadi ah isku soo doorta.

Comments are closed