|

Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Taageeray Hakinta Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha

Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Maayarka caasimadda Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa soo dhaweeyay go’aankii dib loogu dhigay diwaan-gelinta codbixiyeyaasha, si fursad loo siiyo dedaaladda loogu gurmanayo dadka abaaruhu dhibaateeyeen ee gobollada dalka.

 

soltelcoMaayarka Hargeysa  oo shalay u waramayay Telefishanka bulsho TV, ayaa waxa uu sheegay in dadkii la diwaan-gelin lahaa ay abaari hayso, isla markaana ay u baahan yihiin in gurmad loo fidiyo.

 

“Marxaladuhu way soo kala fududaayeen,  imika waxay gaadhay dhimasho waxaan  maqlayay gobolladii  kaleba lagama joojin, laakiin xaaladdu imika waxa ay taagan tahay halkii ugu adkayd, ma naf baa la badbaadiyaa mise dad baa la diwaan-geliyaa? Isdiwaan-galinaya dadkii is  diwaan-gelin lahaa waa dadkan la badbaadinayo,”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Soltelco.

 

Maayarka Caasimaddu waxa uu shacbiga reer Hargeysa ku booriyay inay wax ku darsadaan gurmadka samato-bixinta bulshadda abaareysan, “Markaa go’aankaa goleyaasha qaranka xukuumadda iyo xisbiyadu gaadheen waan soo  dhawaynayaa in mudadaa bisha ah dib loo dhigo diwaan-galinta dadweynaha caasimaddana waxa aan u soo jeedinayaa in xaaladda abaaraha ka qeyb ka qaataan gurmadka  naf ayaa la badbaadinayaaye in qof waliba wax ku darsado.”

 

Maayarku waxa uu tilmaamay inay jiraan dad iyo xoolo ka soo haamay waqooyiga oo ku sugan duleedka Hargeysa, waxaanu yidhi “Magaaladda Hargeysa dhinaceeda koonfureed iyo dhinaceeda waqooyi way degan yihiin dadkii ku soo bara kacay abaarta, iyo xoolahoodii oo maalin dhowayd Arabakhi  ayaanu  u  geynay, cawsna waanu u geyn doonaa, waana lo’dii waqooyiga ka timid.  dhinaca koonfureedna illaa cuno qabad ayay degan yihiin. markaa way jiraan dad ku soo bara kacay abaarta oo soo gaadhay magaaladda Hargeysa.”

Comments are closed