Sayladda Xoolaha ee Magaalada Hargeysa Oo Haawanaysa Iyo Xarakaadka Iibka Xoolaha Oo Gaadhay Heerkii Ugu Hooseeyay
Hargeysa, 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Hoos dhac ballaadhan ayaa soo food saaray dhaq-dhaqaaqa kala iibsiga xoolaha nool ee Saylada magaalada Hargeysa, taas oo ay sababtay abaaraha baahsan ee ka jira dalka, isla markaana saamaysay guud ahaan dadka iyo duunyada ba.
Saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa oo uu shalay booqday wariye ka tirsan wargeyska Dawan, ayaa aheyd mid ay xooluhu aad ugu yaraayeen, isla markaana aanay indhahaagu qabaneyn xoolihii ay caanka ku ahayd, waxaana dadka halkaasi kaga gacansada xooluhu ay baadi goob ugu jireen caws iyo baad ay ku quudiyaan xoolaha tirada yar ee Sayladda loo iib keenay.
Cali Maxamad Yuusuf (Cali Dheere) oo isagu ka mida dilaalinta xoolaha iibsata ee magaalada Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada saylada Hargeysa, farqiqa u dhexeeya sannadkan iyo sannadihii hore iyo dhaqdhaqaaqa wakhtigan, waxaanu yidhi “Xoolihii aanu iibsan jiray amase aanu iibin jirnay qiimahoodii hoos buu u dhacay, boqolkiiba todobaatan ayaa hoos u dhacay, waxaana u sababa abaarta wadanka ka dhacday, iyada oo wax raashina amase cawsa oo aanu siino dalka gudihiisana aanu ka weynay dibadiisana aanu ka weynay.”
Cali Dheere oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Dadkii xoolaha ama dhaqanayay amase dhoofinayay waxaa ay xoolihii u iibsan la’yihiin ee saylada looga kaxeyn waayay waxa ay la’ yihiin waxay cunaan oo ay afkaa galiyaan, hadday caws tahay iyo hadday wax kale tahayba. markaa ay sidaas tahay waxaanu baryaynaa Illaahay inuu naxariistiisa nasiiyo, xoolaha markii hore waxaa saylada iman jiray boqolkiiba boqol imikana waxaa yimaada boqolkiiba sodon oo dadku waxa ay xoolaha u keeni waayeen saylada badhna waa weyd badhna suuq xumaan ayaa soo waajahday.”
Cali waxaa uu sheegay in aanu waligii arag abaartan oo kale. “Ninkayga intaa le’eg anigu waxaan deganahay deegaanka Haleeya ilaa abaartii dabadheerna waan garanayaa, xoola nool baana ii jooga oo aan saylada ka iibsaday, hamigayguna waxaa uu ahaa xoolahan inaan dhaqdo, ilaa daba dheerna waan garanaya walina neef bakhtiya oo dhexyaala beertayada Haleeya ku taalla imika ka hor maan arag, imikana sodon ayaan bakhtigooda soo tiriyay xoolihii aan dhaqday, ee aan ugu tallo-galay dhaqmaadka.
Xoolaha iibkoodu saaka waxaa uu maraya tusaale ahaan, qaalinta dhaqmaadka ahi awal waxay aheyd oo ay mareysay saddex milyan iyo sideed boqol iyo saddex malyan iyo todoba boqol saakana waxaa ay mareysaa, laba milyan iyo sideed boqol, geela la qalayo oo kale ee shanta milyan iyo wax ka sareeya ahaa isagu weyd buu noqday, saaka waxaa la siisanaya hasha duqda ah malyan iyo laba boqol, taasina waa awood darada dhanka xoolaha. dawladana waxaanu leenahay wixii awoodiina ah xoolihii sayladu waxay cunaan ma hayaane wax haloo doono, xoolahana xanuun baa ku jiree bal wasaarada xanaanada xooluhu dedaal how sameyso sidii ay xoolaha u dhex qaadi laheyd.”
Saynab Aw Cabdi Xoosh oo ah hooyo ka ganacsata manaafacaadka xoolaha lagu quudiyo oo aanu iyadana kula kulanay saylada Hargeysa ayaa sheegtay in aanay wakhtigan hayn caws ay iibiyaan midna, waxaanay tidhi “Hooyo waxaan ka ganacsanayay cawska xoolaha loo dhigo, wixiina waanu weynay imikana waanu iska fadhinaa, oo faraha ayaanu kala baxnay, imika iyo haatana gaadhigaa taagan ee kala badhka ah gabadhii wadatay toban malyan ayay tidhi, markaa Hooyo annagu waxaanu aheyn noole ku dul nool noole kale, oo caanaha ayaan iibin jiray, cawskaan iibin jiray, labadii midna ma hayo Illaahay qadarkiisa uun baanay ku dhacday ee qofna, ma hayo markaa xooluhu hoos ayay u dhaceen qiimahoodii.”
“Dadku markaa cawskii xoolahan ay dhoofinayaan ay raacin lahaayeen waa la waayay oo gaadhigii kun iyo afar boqol oo dollar ayuu marayaa, saakana hal lawdh ayaa soo galay oo boosaskii hore ee cawsasku ooli jireen wuu dhammaaday oo waxba kama yaalaan, buurka cawska ahi awal waxaa uu ahaa konton kun oo shilinka Somaliland ah imikana waxaa lagu waayay laba boqol oo kun,”ayay tidhi Saynab.
Hooyo Qaali Yuusuf Cige oo iyaduna ka mid ah hooyooyinka xoolaha xidha ee saylada magaalada Hargeysa oo aanu halkaasi kula kulanay ayaa nooga warantay wakhtigan sida uu yahay iibka saylada xoolaha magaalada Hargeysi waxaanay tidhi “xoolaha saylada la keenayaa waxba kuma noola, dadkii haystayna waa ay jilicsan yihiin, abaar baa dhacday, xooluhuna waa saddex raqam, raqam waa digada, oo wuu wada bakhtiyay, raqamkii kale marka saylada la keeno waxba laguma falo, xoolaha intii dheecaan lahayd imika iibkoodu ma wanaagsana oo boqol iyo waxaan dhaamin ayaa la kala siistaa, markaa dadkii xoolaha lahaa iyo xoolihiiba waa danbaska iyo digada oo saylada lagama dhaqaajiyo”
Qaali waxa ay intaasi raacisay “Neefka la arkaa waa uu bakhtiyayaa oo qofkii lahaana waxba lama siisanayo, hadii la baayacana boqol looma dhaafayo, boqolkiiba ma hayno, dadkii watayna waxba uma tarayaan haddii wax laga iibsan-lahaa xoolihiina waa ay ina daayeen dadka reer Somalilandna waxaa ay ku noolaayeen xoolaha nool markaa Illaahay ha loo toobad celiyo.”