|

SAWIRRO: Guddoomiye Cabdi Jaamac Axmed [Joodari] iyo Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Melbourne Oo Qado Sharaf U Samaysay Dhalinyaro Ka Timid Malaysia

Melbourne (QJ/SDN) – Guddoomiyaha jaaliyada Somaliland ee Melbourne dalka Australia [Somaliland Union Of Victoria] Mudane Cabdi Jaamac Axmed [Joodari] iyo jaalliyada Reer Somaliland ee dalkaasi ayaa halkaas kusoo dhaweeyay dhalinyaro ka timid dalka Malaysia kuwaasi oo waddankaasi kusoo galay Engineero.

Munaasibada oo ahayd mid qado sharaf ah ayaa ahayd mid uu si heersare ah usoo agaasimay Guddoomiye Joodari, iyadoona ay munaasibadasi ka dhacday magaalada Melbourne ee dalkaasi Australia.

Kulankan oo ahaa mid ay dhalinyarada aqoonyahanka ah iyo guddoomiyuhu ay isku waydaarsadeen Afkaar iyo aqoon is waydaarsi, ayaa waxa ay dhalinyaradu Guddoomiye Joodari uga mahadcelisay sida milgaha iyo sharafta leh ee uu ugu soo dhaweeyay dalka Australia.

Dhanka kale, Guddoomiye Cabdi Jaamac Axmed [Joodari] ayaa dhalinyaradi kulankaasi kasoo qayb-gashay uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay wakhtigooda ugu soo hureen kulankan soo dhaweynta iyo is barashada ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Munaasibaddaasi

arday 2

arday 1 arday 3

joodariarday 4arday 6

arday 5

Comments are closed