|

“Waxaa Gurigayga Soo Weeraray Kulmiye Iyo Xukuumadda Is Xambaarsan” Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil

Berbera , 29 March, 2016 (SDNQJ): – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ee gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasin, ayaa ka warantay qaabkii ay dablay hubaysan ugu soo weerareen guri ay deganayd. Isla markaana waxay sheegtay inay dhaawacyo culus qabto inan ay dhashay oo ay dablaydaasi dileen.

rooda-axmed-yaasiinMarwo Rooda oo arrimaha ka hadlaysa waxay tidhi “Habeen horre sagaalkii fiidnimo gurigayga anigoo dibadda uga maqan, caruurta qaarna dibadda uga maqan yihiin, ayaa wax yimi lix nin oo shan nin maskaro xidhan yihiin oo indhaha oo qudhi muuqdaan oo koofiyaddo soo xidhay, bahalo madmadowna la xidhan yahay oo isu-wadda eeg, shanta nin dhalinyaro ayay ahayeen, waxa la socday nin aan da’diisa ku qiyaasay ilaa 50 jir oo isagu cummaada isku duubay ayaa la socday oo ka dirays duwannaa.

Nimankaasi waxay fadhiisteen guriyaga sees ka soo horjeedda iyo gurigayga guriga ku xiga oo la dhisayay, ciidii iyo jaajuurkii guriga lagu dhisayay ayay saddexna ku dhuunteen, saddexna seeska iga soo horjeeda ayay ku dhuunteen. Waxa dabadeedna iga soo horraysay inaan aan dhalay, inantu gaadhi tagsi ah bay la socotay oo gaadhigii hore ayuu u dhaqaaqay, albaabka markii ay istidhi garaac baa la yidhi waatan inantii, inantii baa lagu bilaabay oo saddexdii u dhawaa ee ganjeelka fadhiyay ayaa ku soo kacay, inantii waxa la qabtay luqunta oo feedhbaa lagu bilaabay, oo mindi baa laga galiyay naaska guudkiisa, lixda nin, nin wuu iska taagnaa ayay tidhi inantu, shanna waa shantan dhalinyaradda ah ee wadda qabtay, waxa laga daadiyay ilkaha, waxa la jabiyay daanka oo hadalkii ay sii maqlaysay waxay ahayd waar tanba ka dhammee iyo iyaddii maaha.”ayay tidhi Rooda Axmed Yaasiin

Sidoo kale, Rooda Axmed Yaasiin ayaa sheegtay in xukuumadda iyo xisbigeedka kulmiye soo weerareen gurigeeda“Horre waxa u dhacday in aan hadalka aan ka hadlayo iyo xaqiiqadda Somaliland ka jirta oo aan ahayn mid aan kaga noqonayo, kaganna habaranayo, kaganna baqaayo, maanta gurigayga khalkhalka la galiyay ama cabsida la is yidhi Rooda galiya ama dila, waxaan ku sii kordhiyo mooyaanne, waxaan kaga dhimayaa aanu jirin xukuumadda siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye, waxa gurigayga soo weeraray waa Kulmiye iyo Xukuumadda oo is-xambaarsan.” Ayay tidhi Rooda Axmed Yaasiin

Comments are closed