|

Dareenada Dhiilo Sidka leh Iyo Muuqaaladii u danbeeyay ee Abaaraha Gobolada Awdal & Salal Iyo Gurmadka Madaxweyne Ku Xigeenka oo Bulshadu la Yaabeen DAAWO

Hargeysa 29,March,2016 (SDN/QJ):-Waxaa Deegaanada Galbeedka Somaliland Xiligan ka Taagan Abaar Baahsan oo Geyiga Somaliland Saamayn Taban ku Yeelatay,Inkasta oo Gobolada Bari ee Dalku ay yara dhaamaan Kuwa Galbeed isla markaana laga helayo Daaq iyo Biyo Wakhtigan Gabaabsi ku Jira,Hadana wuxuu culayska ugu badani ku dhacayaa Degsiimooyinka Galbeedka Somaliland Siiba Gobolada Awdal iyo Salal.
Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Gaadhay deegaano ka tirsan Gobolada Awdal iyo Salal .
Arrinta hadal hayntu ka dhalatay ayaa noqotay in Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland isla markaana ah Gudoomiyaha Gudida Heerka qaran ee Gurmadka abaaraha ayaa Gaadiidka Weftigiisa Wehelinayay Waxay raashin Kooban oo fara Guudkood ah u qaybiyeen dadka tabaalada abaartu halkaasi dhigtay ee Hareeraha Wadooyinka Gaadiidku marayaan Miciinka biday iyadoo isweydiintu tahay Halka uu Maray Dhaqaalihii Xooganaa ee Gudida abaaruhu uruuriyeen.

Comments are closed