Gudoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Saaxil oo Caasimada Hargaysa Lagu Xidhay Iyo Xukuumada oo lagu dhaliilayo qaabka ay u wado baadhista Dilkii Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil.
Hargeysa, 29 March 2016(SDN/QJ)-Waxa Shalay Galab Magaalada Hargeysa lagu xidhay Badhasaab ku xigeenkii gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdilaahi .
Ma jiro war rasmi ah oo dawladda ka soo baxay oo xadhigan ku saabsan ,hasayeeshee ilo xogogaal ah ayaa sababta Badhisaab ku xigeenka loo qabtay ku tilmaamay mid la xidhiidha falkii lagu dilay taliyihii qaybta bilayska ee gobolka Saaxil Cabdirizaaq Casayr iyadoo ay xiligaa dilku dhacay ay marxuumka iyo badha-saab-ku-xigeenku wada socdeen.
Dhinaca kale waxa isa soo taraya dhaliilo loo jeedinayo habka ay u waddo badhitaankii kiiskan iyadoo lagu eedaynayo inay arinta u maamulayso qaab qabyaaladaysan oo ka baxsan hanaankii dawladnimo ee loo baadhay kiisaskii hore ee lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada .
Dhinaca kale ciidamada amaanka ee Berbera ayaa xalay la galiyey heegan buuxa ka dib markii la ogaaday inay jirto dablay hubaysan oo soo gashay magaalada isla markaana ay isku qarinayaan guri ku yaala mid ka mid ah xaafadaha magaalada.