Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Abaartu Saamaysay 1.5 Milyan Oo Qof, Xoolihiina 80% Meesha Ka Baxeen
Hargeysa, 29March, 2016 (SDN/QJ):– Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Tirada Dadka ay Saamaysay Abaarta ba’an ee ka taagan geyiga Somaliland, gaar ahaan Gobollada Galbeedka oo Dad u dhinteen Gaajo iyo Harraad ka dhashay Abaarta.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Cali-Shoombe), ayaa sheegay in Abaaraha is-daba joogga ah ee ka jira Somaliland ay sabab u tahay Daryeel la’aanta Deegaanka, sidaa daraadeed loo baahan in la isku hawlo sidii loo soo celin lahaa Dhul-daaqsimeedkii keydka u ahaan jiray Xoolaha, si marka Abaartan oo kale dhacdo loogu badbaado.
Wasiirka oo Shalay ka hadlayey Kulan ku saabsan Maamulidda iyo Soo nooleynta kheyraadka Dabiiciga ah oo Wasaaradda Deegaanku Hargeysa ka furtay, ayaa sheegay in Abaarta Xilligan ka jirta Somaliland ay saameyn weyn ku yeelatay Dad kor u dhaafaya Hal Milyan iyo Badh isla-markaana Xoolihii ku noolaa Deegaannada Abaartu ku dhufatay ay Meesha ka baxeen 80%, halka Abaartu Meesha ka saartay Wax-soo-saarkii ay ku noolaayeen Qoys gaadhaya 15000 kun.
Wasiirka oo Ammuurahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waxa Dalka dhacday Abaar Baahsan oo Bari iyo Galbeedba ka siman, Koonfur iyo Waqooyina ka siman, waxay saamayn ku yeelatay Milyan iyo Badh Bani-aadam ah, 80% Xoolihii noolaa way Xasuuqmeen (Dhinteen), waxay saamayn weyn ku yeelatay ugu yaraan 15000 Qoys oo Beeralay ah oo Wax-soo-saarkoodii meesha ka baxay.”
Wasiirka oo ka hadlaya sida looga bixi karo Abaaraha ku soo noqnoqda Somaliland, ayaa sheegay, “Waxa lagaga bixi karaa Abaaraha Siyaasadda lagu kala saaro Dhulka, Dadka iyo Xoolaha oo aynu yeelanno, Waayo? Waxa la iska ootey min 7KM dhul ah.”ayuu yidhi.