|

Xisbiga Kulmiye Oo Caddeeyay In Guddoomiye ku-xigeennadii 2 & 3-aad Ee Xisbigu Xubinnimadoodii ku waayeen Sharci-jabin

Hargeysa, 29,March,2016(SDN/QJ):- Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa Caddeeyay inay Xisbiga ka baxeen Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee Xisbigaasi, laakiin Muddooyinkii u dambeeyay ka mid ahaa Xubnaha la baxay Isbaheysiga KULMIYE ee ka cadhooday Shirkii Golaha dhexe ee lagu doortay Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi.

labada Gudoomiye Ku Xigeen ee Xisbiga KulmiyeXoghayaha Guud ee Xisbul-xaakimka KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo daba socdo War-murtiyeed labada Guddoomiye ku-xigeen Toddobaadkii hore ku sheegeen in aanay aqoonsanayn Shirkii Golaha dhexe ee Musharraxa Madaxweynaha loogu doortay Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in labada Guddoomiye ku-xigeen ee Xisbigu si iskood ah u lumiyeen Xubinnimadii Xisbiga KULMIYE, Maaddaama buu yidhi ay ka hor-yimaaddeen Qodobka 35 ee Dastuurka Xisbigaasi, kaasi oo dhigaya inaan Xubnaha Xisbigu ka hor-iman karin Go’aamada laga soo saaro Shirweynayaasha uu ka Golaha dhexe ka mid yahay.

Xoghaye Xasan Siciid Yuusuf oo Sharraxaya siday Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ku waayeen Xubinnimada Xisbiga KULMIYE, ayaa yidhi, “Labada Nin ee aad sheegaysaan (Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle) waxay ka mid ahaayeen Lixda Qof ee Hoggaanka KULMIYE ah, laakiin way dar-jiidheen oo waxay beeniyeen Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga ee lagu doortay Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga iyo Musharrax ku-xigeenka, mar hadday Dafireenba Go’aamadii Xisbigu gaadhay Qodobka 35aad ee Dastuurka Xisbigu wuxuu dhigayaa hadday u hoggaansami waayaan Go’aamada ka soo baxa Shirweynayaasha Xisbiga iyo Hay’adaha kale ee Xisbiga Xubintaasi iskeed bay u lumisay Xubinnimadii Xisbiga, markaa labadaa Xubnood kuwaas ayuun bay la mid yihiin, waayo? Iyagaa si toos ah u lumiyey Masuuliyadihii ay ku lahaayeen Xisbiga iyo Xubinnimadiiba, markaa iyagaa lumiyey Xubinnimadii Xisbiga ee Maaha wax aanu Annagu shaqo ku leenahay.”

Comments are closed