Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Muwaadin u dhashay Sweden u Magacaabay Wakiil-sharafeed
Hargeysa, 29,March,2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Wakiil-sharafeed u Magacaabay Muwaadin u dhashay Dalka Sweden oo lagu Magacaabo Mikael Torstensson, kaasi oo Wasiirku sheegay inuu ka mid yahay Saaxiibbada waaweyn ee Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Qaaradda Yurub.
Wasiirka oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Albaabka Xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay in Mr. Mikael Torstensson uu ka mid yahay Saaxiibbada Wakhtiga badan geliyey sidii Somaliland u heli lahayd Aqoonsi buuxa, sidaa daraadeed uu gartay inuu u Magacaabo Wakiil-sharafeedka Somaliland ee Dalalka Midowga Yurub, maaddaama buu yidhi uu Saaxiibbo ku leeyahay Dawladaha Yurub isla-markaana wax ku soo kordhin karo dedaalka loogu jiro iib-geynta Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland.
Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Waxa Halkan innala jooga Mikael Torstensson, Mikael waa u dhashay Dalka Sweden, waana Saaxiibbada ugu waaweyn ee Somaliland ku leedahay Yurub, markaa waxaanu u Magacownay inuu Wakiil-Sharafeed inooga noqdo Dalalka Yurub, khaasatan Midowga Yurub oo uu ku leeyahay Saaxiibbo faro badan, dhinaca Saxaafadda iyo dhinaca Siyaasiyiintaba. Wakiilka Rasmiga ah ee Sweden Maaha, waayo? Sweden waynu ku leenahay Wakiil oo Rooda ayaa la yidhaahdaa, laakiin isagu waa Wakiil-sharafeed, waxaanu la shaqeyn doonaa Wakiillada inoo jooga Dalalka Yurub oo dhan.”