Wasaaradda Deegaanka Oo Hargeysa Ku Qabatey Kulan ku saabsan Maamulidda & Soo Nooleynta Kheyraadka Dabiiciga Ah
Hargeysa, 29,March,2016 (SDN/QJ):- – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa ka furtay kulan ku saabsan Maamulidda iyo Nooleynta Kheyraadka Dabiiciga ah ee Somaliland.
Kulankan oo furitaankiisii ay ka qayb-galeen Wasiirrada Wasaaradaha Qorsheynta Cali-Shoombe, Guddoomiyaha Hay’adda NERAD iyo Masuuliyiin ka socday Hay’adaha ka shaqeeya Deegaanka ee taageera Wasaaradda Deegaanka.
Kulankan ayaa waxa ka qayb-qaadanaya Isku-duwayaasha Wasaaradda Deegaanka ee Gobollada Somaliland, Xubno ka socda Jaamacadaha Dalka iyo Hay’daha kala duwan ee ka shaqeeya Horumarinta Deegaanka.
Kulankan oo Muhiim u ah Kheyraadka Dalkeenna Somaliland isla-markaana soconaya Muddo 2 Maalmood ah, ayaa waxa furitaankiisii ugu horeyn ka hadashay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxayna Sharraxaad dheer ka bixisay Ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo soo nooleynta Kheyraadka Dabiiciga ah ee Somaliland, lagana wada hadlo sida loo Maamulayo.
Wasiir Shukri oo Arrimahaa ka hadleysa, ayaa tidhi, “ Ujeeddada kulankan aynu isugu nimid ee aynu doonayno inaynu ka midho-dhalinaa waa Badbaado, Dadkeena kulankan joogaana dhammaanteen Shaqo ayaynu ku wada leenahay, waana sidii loo badbaadin lahaa Dhirta iyo Dhulka oo Shaqadeennu tahay.”
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Cali-Shoombe) oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Abaaraha is-daba joogga ah ee ka jira Somaliland ay sabab u tahay Daryeel la’aanta Deegaanka, Abaarahaasi oo saamayn ku yeedhay Dadka, Duunyada iyo Wax-soo-saarkaba.
Wasiir Cali-Shoombe oo arrimahaa ka hadlaya, wuxuu yidhi, “Waxa Dalka dhacday Abaar Baahsan oo Bari iyo Galbeedba ka siman, Koonfur iyo Waqooyina ka siman, waxay saamayn ku yeelatay Milyan iyo Badh Bani-aadam ah, 80% Xoolihii noolaa way Xasuuqmeen (Dhinteen), waxay saamayn weyn ku yeelatay ugu yaraan 15000 Qoys oo Beeralay ah oo Wax-soo-saarkoodii meesha ka baxay. Waxa lagaga bixi karaa (Abaaraha) Siyaasadda lagu kala saaro Dhulka, Dadka iyo Xoolaha, Waayo? Waxa la iska ootey min 7KM dhul ah.”
Waxa kale oo Furitaanka kulankan ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda NERAD Maxamed Muuse Cawaale iyo Xubno ku hadlayey Magaca Hay’adaha Wasaaradda Deegaanka kala shaqeeya Mashaariicda Horumarinta Deegaanka.