Dawladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay inay Waddo Qorshe ay Gurmad ka geysanayso Abaaraha ka jira Somaliland
Muqdisho, 28 March, 2016-(SDN/QJ): – Dawladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay sii socoshada wada hadalladii u dhexeeyay Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo ka mid ahaa Xubnaha u dhashay Somaliland ee ku jiray Ergadii Soomaaliya uga qayb-gashay Wada hadalladii u dambeeyay ee Somaliland iyo Soomaaliya ee burburay, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada hadallada dambe ka hadho, Maaddaama oo Dawladda Somaliland diiddan tahay in Xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ka qayb-galaan Wada hadallada ay kula jiraan Soomaaliya, “Anigoo ku jiray Ergadii Dawladda Soomaaliya uga qayb-gashay Wada hadalladii Somaliland waxaan diyaar u ahay inaan ka maqnaado Wada hadallada Dambe hadday sidaa Somaliland wax ugu hagaagayaan, waxaannan leeyahay ha lagu daro wada hadallada kuwa ay doonayaan. Dawlad ahaana diyaar baanu nahay inay Wada hadalladu dib u bilaabmaan.”ayuu yidhi,
Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in Dawladda Soomaaliya doonayso inay Gurmad ka geysato Abaaraha ka jira Galbeedka Somaliland, “Waan ku amaanayaa Ganacsatada iyo Maamulka Somaliland sidii Wanaagsanayd ee u soo gurmadeen markii Abaaruhu ka dhaceen Soomaaliya, annaguna sidaas oo kale waxa Shan Maalmood ka hor la sameeyay Guddi ka shaqeysa Abaaraha, Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaruhuna way ka hadleen in Gurmad la gaadhsiiyo Abaaraha ka jira Somaliland, markaa si weyn bay talada ugu jirtaa inaanu soo gurmanno, laakiin weli wakhti ayaa dhiman, markaa waxaan idiin sheegayaa in doorkii Dawladda Soomaaliyana uu soo socdo.”