|

Madaxwayne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Qodob Distuuriya U Adeegsaday Xaaladu Dalku Ku Jiro

Hargeysa, 28 March, 2016-(SDN/QJ): – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa xisbiyadda ugu baaqay inay kaanbaynkooda haystaan ilaa la gaadhayo doorashadda. Isla markaana wuxuu sheegay in aan doorasho lagu gali Karin ilaa abaartu inaga jabto

Axmed Yuusuf YaasiinAxmed Yuusuf wuxuu sheegay in abaarta ugu wacantahay laba arrimood oo dunida ka dhaca“Abaaro waa aafo, oo ilaahay ma keenne dadka galla, laba arrimood bay ku bilaabmaan, marka horre waa sakadda oo la bixin waayo, sakadu xoolaha way daahirisa wayna nadiifisa, sakadda waxa iska leh dadka xoolaha eegayay ee ku dhaw ee aanu ilaahay qadarin inay ka mid noqdaan familigaga, laakiin sakadda ayay leeyihiin. Markaad kuwaa siin waydo ee xoolaha eegan ilaahay roobka waa jaraya, ta kalena waxa keenna fawaaxish waddanka ku baaha, oo aan laga hadal, oo la eegto, taasina way keenta, horta waa cadho ilaahaye, ilaahay cadhada ha inaga dulqaado.”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin

Sidoo kale, Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu sheegay in aan doorasho lagu gali Karin ilaa laga baxo abaaraha pp distuurkeennu qorayo“Haddii ay abaaruhu sii socdaan waa sababaha aanay doorasho ku dhici Karin, abaar baahsan, colaad baahsan, waxyaabaha ka baxsan awooda bani’aadamka oo distuurkeenna qoraya oo mid la isweydiin karo maaha. Laakiin wax muhiim ah in aynu isku tashanno oo ilaahay haddii uu wax ina siiyay ay badda galaan waa arrin aan hawl yarayn.”

Dhinaca kale, Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu xisbiyadda ugu baaqay inay kaanbaynka iska yareeyaan“Qolooyinka xisbiyadda, dee horta anaga ayaa soo marnay kaanbayno iyo doorashooyin, xisbiyaddu waxa fiican inay gucleeyaan oo xawdi way hadhay. Sharcigeennu wuxuu qorayaa kaanbaynka in la gali karo laba bilood ka hor oo aanay bannaanayn in ka hor la sii gallo, waxaan kula talin lahaa waan kaanbaynkiina haysata doorashadii way hadhee.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin

Comments are closed