Maxkamadda Gobolka M.Jeex Oo Mudaysay Dacwad Madaxtooyadu Dabada Ka Riixayso Oo Lagu Soo Oogay Wargeyska Ogaal AKHRI
Hargeysa, 27,March,2016(SDN/QJ):-Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa maalintii khamiista ahayd Mudaysay dacwad ka dhan ah wargeyska madaxabannaan ee Ogaal, isla markaana waxay maxkamaddu masuuliyiinta wargeyska ogaal ku wargelisay inay ka soo qaybgalaan dhegaysiga dacwadda loo haysto.
Qoraal ka soo baxay maxkamadda oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyay Xafiiska Warqabadka Shabakada Qurbejoog, oo uu ku saxeexan yahay garsooraha maxkamadda gobolka Maroodi Jeex Xasan Cabdillaahi Cawaale ayaa u dhignaa sidan:
“Maxkamadda gobolka M/jeex Hargeysa, waxay mudaysay Maalinta ay taariikhdu tahay 02/04/2016. 8:00 saac ee subaxnimo ee ay garsuge ka yahay eedaysanaha magiciisu yahay Muuse Jaambiir Ibraahim ina Deeqa Xuseen L/47 jir ah, kaas oo ku eedaysan Qod-328.269 iyo 452 XCG.
Sidaa darteed waxay maxkamada gobolka hargeysa idinku amraysaa inaad ka soo qayb gashaan dhegaysigga dacwaddan ciqaabta ah ee sumadeedu sarre ku xusan tahay.
- Maxkamadu waxay qaadaysaa talaabo sharciya oo ku haboon dhinicii ka maqnaada fadhigan, maadaama ay fadhiyo hore baaqdeen.”