Waa Imisa Qadarka Lacageed Ee Shacbiga Awdal u Ururiyeen Dadweynaha Abaaruhu Hayaan?
Boorama 27.March 2016 (SDN/QJ):- Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa sheegay in ay hayaan qaadhaan ay ka soo ururiyeen ganacsatadda iyo dadweynaha gobolka Awdal.
Waxaanu gudoomiyaha gobolka Awdal sheegay inuu gacanta ku hayo lacag dhan laba iyo sodonkun iyo shan boqol oo dollar iyo kun iyo konton kiish oo raashina si dhakhso ahna ay ugu wareejin doonaan gudida abaaraha si loola gaadho dadka gobolka Awdal ee ay abaartu halakeysay.
Maxamuud Cali Saleebaan, oo shalay warbaahinta la hadlayay magaaladda Boorama, ayaa u mahad naqay dadweynaha iyo ganacsatadda taakuladaasi soo bixiyay. Waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad aan ugu mahadnaqaya, dadweynaha magaaladda Boorama gaar ahaan dadweynaha danyarta ah ee gobolka Awdal, oo labadaa gaadhi ee raashinka ah deg-deg u soo buuxiyay, si dhakhso loola gaadho dadka ay abaartu heysato, mar labaad iyo mar saddexaad-ba waxaan ku baaqayaa in lagu daydo.Waxaana gaadiidkan raashinka dadka gaadhsiin doona dadka danyarta ah si walaalahooda abaartu halakeysay loola gaadho.”
Guddoomiye Ramaax, waxa uu sheegay in uu gacanta ku hayo lacag dhan 32-kun oo doollar iyo raashin dhan kun iyo konton kiish kuna wareejin doonaan gudida abaaraha. “Sidaas daraadeed, waxaanu gudida aanu u xilsaarnay arrinkan abaarta wixii ay dirayaan, oo ah raashin fudud inay si deg-dega noo soo gaadhsiiyaan, waxaanan gudida u xilsaaran abaaraha ku wareejin doonaa, lacag gaadhaysa laba iyo sodon kun iyo shan boqol oo dollar, iyo kun iyo konton kiish oo raashin ah si dadka deg-deg loogula soo gaadho” ayuu yidhi guddoomiyaha Awdal.
Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya gobolka Awdal ayaa sheegaya in laga helay maydka haweenay gaajo iyo haraad ugu dhimatay degmadda Boon ee gobolka Awdal, gabadhan oo dadkii goobta tegay ay cadeeyeen in maydkeedina uu Waraabe cuney.
Waxaanay yidhaaheen “Waxaanu joognaa degaanka Xagarre oo ay ku geeriyootay haweenay dumar ahi, degaankan oo hoos yimaada degmadda Boon, waxaanay marxuumadani u dhimatay Haraad taasina waxaa cadayna meeshan ay ku dhimatay ma jiro, wax dheecaan ah oo meesha yaala, kadibna waxaa cunay waraabe maydkeedi oo waxaa imika meesha yaala uun madaxeedi iyo maryaheedi badh” sidaasi waxaa yidhi mid ka mid ah dadkii goobtasi tegay oo warbaahinta la hadlay.Dadkan goobta tagay waxay sheegeen in ceel biyoodkii ay dadkani ka cabi jireen uu wakhtigan gudhay taasina ay tahay ta keentay in degmadan iyo deegaanada hoos yimaada in haraad loogu dhinto. “Dadkana waxay ka cabi jireen ceelka Ambasa, kadib markii uu biyo yareeyay oo abaarta wadanka ka dhacday ay keentay in biyihii ay fogaadaan oo uu ceelkani gudho, waxay noqotay in dadkii iyo duunyadii degmadan iyo degaamadan ku noolaaba ay haraad u dhintaan.”