|

Axmed Madoobe “Gogosha Kismaayo uma Furna Jubbooyinka kaliya ee Soomaali ayey u furantahay” DHAGAYSO

Kismaayo 27.March 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed madoobe ayaa soo xiray shirkii ka socday degmada Kisamaayo kaas oo ahaa shirka dib u heshiisiinta beelaha wadda dega gobolada Jubbaland.

IMG_1689Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in qoddobada lagu heshiiyey intii shirku uu socday aanu cid gaar ah xuquuq siin doonin ee uu dan u tahay dhammaan dadka deggan goballada Jubbooyinka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gogasha nabadda ay sii furnaan doonto isla markaana ay gogasha la dhigay aaney Jubbaland kaliya ku koobnaan doonin ee Soomaali oo dhan ay ku shiri doonto magaalada Kismaayo.

Axmed Maxamed Islaan Axmed madoobe ayaa sidoo kale khudbad uu ka horjeedinayey beelihii ka qayb galay shirkaasi wuxuu u ugu baaqay inay ka shaqeeyaan hormarka iyo nabad galyada guud ahaan dalka soomaaliya.

Comments are closed