|

Somaliland: ‘’ Waxa nasiib darro in walaalaha Soomaaliya aanay illaa maanta Koombo naga soo gaadhin’’

Hargeysa (QJ/SDN) – Guddida abaaraha dalka ayaa ku dhawaaqday inay xaalada dadka abaaruhu ay saameeyeen ay ka sii darayso waxaanay ugu baaqeen shacbiga Somaliland taakulaynta dadkaas abaaraysan.

Guddidan oo maanta saxaafadda kula hadhashay aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa nasiib darro ku tilmaantay in dalka Soomaaliya aanay illaa hadda ka qayb qaadan abaaraha baahsan eek a jira Somaliland, iyadoo guddidu soo hadal qaaday gurmad ay Somaliland horay ugu fidisay Soomaaliya wakhti ay abaar xuni ka jirtay.

Haddaba hadalada guddida abaaraha Somaliland waxa ka mid ahaa;

Waxa runtii nasiir darro ah illaa maanta oo aynu hadlayno in aan Gambo, koombo inaga soo gaadhin, dheglay innaga so gaadhin, taasina waxay ka turjumaysaa uun kala duwanaanshaha xagga dareenka

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Guddida Abaaraha Somaliland;

 

Comments are closed