Shalay iyo Maanta Dib u Milicso Heerkii uu Gudoomiye Muuse Biixi ka Taagnaa in la Xidho Salaadiinta Wakhtigii Marxuun Cigaal “Wixii Shalay la Toosnaa ayaa Maantana La Qaloocday” DAAWO
Hargaysa 25.March 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa lala Xidhiidhiyey inuu ahaa Maskaxdii ka danbaysay Fal ay Xukuumadda Iyo Xisbiga Kulmiye ku rabeen inay kaga Takhalusaan Suldaanka Guud ee Beelaha Subulaha ilaa Saaxil ee Subeer awal oo uu dhalasho ahaan ka soo Jeedo.
“Sida aad la wada socoteen waxa dhowaan magaalada Hargeisa lagu caleemo saaray suldaanka guud ee beel-weynta Subeer-Awal Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan,” Sidaaa waxaa yidhi Gudoomiye Muuse.
Hadaba Marka dib loogu noqdo Sooyaalkii Nolosha Mucaaridnimo ee Gudoomiye Muuse Biixi Waxa uu Cod dheer kaga hadlay isla markaana uu ku tilmaamay wax aan la qaadan Karin mar uu Madaxweynihii Geeriyooday ee Somaliland Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Xidh xidhay qaar ka mid ah Salaadiinta dhaqanka oo Xiligaas lagu eedeeynayay arrimo ka dhan ah Nabadgalyada Maadaama laga soo digo rogonayay nidaamkii Axdi Qarameedka, Dhawaqa Maanta Taagani Wuxuu yahay in Xiligan ay Jeelasha dalka ku Jiraan Xubno Salaadiin ah oo Weliba ka soo Jeeda Beesha uu ka Tirsan Yahay Gudoomiye Muuse Biixi.