|

Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed oo yeeshay kulan kodii ugu horeeyey Yeeshay iyo arrimaha ay ka wada hadleen

Baydhaba 22,March,2016(SDN/QJ):-Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii ugu horeeyey kalfadhigodii 1 kaas  oo ay goob joog ahayeen masuuliyiinta ugu sareysa maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha golaha baarlamaanka maamulka Koofur galbeed Soomaaliya C/Qaadir Shariif Sheekhunaa  ayadoona ay xaadir ahayeen dhamaan mudaanyaasha baarlamaanka maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya C/Qaadir Shariif Sheekhunaa oo goobta kahadley ayaa sheegay in baarlamaanka Maamulkaas looga baahanyahay inay siwadajira ushaqeeyaan islamarkaasna ay kawada fakaraan danta guud ee dadka kudhaqan Koofur galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo isna goobta kahadley khudbad dheerna goobta kajeediyey ayaa waxu si weyn ooga hadley dhanka ,Amaanka,is kaashiga bulshada , dib udhiska iyo arimo kale isagoona sheegay in dhowaan uu soodhisi doono Hay’adaha Garsoorka.

Waxa uu sidoo kale sheegay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaliya in ay dhowaan bilaabi doonaan ciidamada maamulka Koofur Galbeed Soomaliya iyo Kuwa Amisom oo is kaashanaya halwgal lagu soo afjarayo qeybaha ay Al-shabaab kaga suganyihiin gobolada uu ka arimiyo Maamulkaas.

Comments are closed