Faah Faahin ku Saabsan Dhalinyaro lagu Qabtay Degmada Qardho iyo Kuwo lagu Raadjoogo
Garowe 20.March 2016 (SDN/QJ):-Wararka aan ka helayno degmada Qardho ee gobolka Kar-Kaar ayaa sheegay in degmadaasi lagu qabtay qaar kamid ah firxadka Xoogga Al-Shabaab oo Puntland dagaal kulajirto.
Taliyaha ciidamada Booliska Degmada Qardho oo lahadlay Puntlandvision ayaa u xaqiijiyey dhalinyaradaasi inay qabteen waxaana uu sheegay inaysan wadan wax hub ah xiliga ay qabteen.
Taliyaha oo ka hadlaya ayaa yiri” Firxadka Al-Shabaab ayaan ku qabanay Qardho 4 dhalinyaro ah weeye hub ma wataan waxay sheegeen inay ku tuureen wadda”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Qaybta.
Axmed Yuusuf jaqanaf Taliyaha qaybta Booliska degmada qardho ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay wadaan baaritaano lagu kala saarayo dhalinyaradaasi oo wararka qaar ay sheegayaan inay 3 kamid ah ay yihiin dadka guryaha ka dhisa qardho oo degen halka mid kalana uu sheegtay inuu ka yimid Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya kana Tirsanyihiin Al-Shabaab.
Warar kale oo aanu ka helnaydegmada qardho ayaa sheegaanka deegaanka Dhaxan oo hoostagta degmada qardho laga soo sheegay firaxadka saddex kamid ah dhalinyarada Al-Shabaab.