|

Gudida Heerka Qaran ee Abaaraha Somaliland oo Kaalmadii Kowaad oo Raashin ah kala Wareegay Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta DAAWO

Berbera 21.March 2016 (SDN/QJ):- Gudidda Heer Qaran ee abaaraha oo uu Weheliyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa deeq Raashin ah oo loogu talo galay ilaa 8 Kun oo qoys oo ka mid ah dadka ku tabaaloobay Xaalada abaareed ee dalka ka taagan waxay kala wareegeen dawlada isu taga imaaraadka Carabta.

9ad44452-986f-462e-8d1b-0a6b18aa1967Waxa dekeda Berbera soo gaadhay markab sida kuntan oo raashin ah oo ay dawladda imaaraadku ugu deeqday in lagu taakuleyo dadka abaaruhu saameeyeen ee gobolada Somaliland.

 

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Safiir Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta Amb. Baashe Cawil Cumar waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Marka hore waxan jeclahay in aan halkan uga mahadcesho guddiga abaaraha ee maanta hawshan ah mucaawimada dawladda imaaraadku ugu deeqday Somaliland la wareegaysa, hawshanina waxay daba-socotay mucaawimooyin in muddo ah dawlada imaaraadku u waday dadkii abaaruhu waxyeeleeyen ee reer Somaliland, waana tii saddexaad muddo sanad gudeheed ah ay soo dirto hay’adda Khalifa Binu Zayed Al-Nahyan Foundation ee ay dawlada imaaraadku soo gudbiso.

Comments are closed