Proffesor Cabdi Ismaaciil Samatar oo ku Baaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab Laguna Taageerayo Maamulka Puntland DAAWO
Washinton 21,March,2016(SDN/QJ):-Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka hadlay dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaadka Alshabaab ee weerarka ku qaaday dhulka Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhamaan ummada Soomaaliyeed ka qeyb qaadato la dagaalanka kooxdaasi.
Prof.Cabdi Samatar ayaa si weyn u dhaliilay hadalada kasoo yeedhay Dawlada Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay “…Maamul Ilka Beelay oo Ruwaayad ku jira…”
Aqoonyahankan Soomaaliyeed ayaa sheegay in Puntland aanay dhulkeeda kaliya aysan difaacaneyn balse ay difaaceyso Dhul Soomaaliyeed.
Prof.Samatar ayaa dhaliilay fikirka ka imaanaya Dawlada Federaalka ee sheegaya in ciidamo AMISOM la geeyo deegaanada Puntland, isagoo sheegay in aan la aamini karin hadalada kasoo yeedhaya Madaxda dawlada Federaalka.
Wuxuu tusaale u soo qaatay hadalkii dhawaan kasoo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo sheegay in hawlaha dawlada ay dad kale (Shisheeye) u qaban karaan sida hawlaha sugida Gaashaandhiga (Difaaca) iyo Dhaqaalaha Xukuumada, Prof.Samatar ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid muujineysa heerka uu gaadhsiisan yahay fikir madaxda Dawlada Federaalka.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay in xal loo helo caruurta ay duufsatay kooxda Al Shabaab sidii loo badbaadin lahaa, arrintaasi oo uu sheegay in maamulada dalka ka jira aanay wax badan weli ka qaban.