Qaabkii uu u dhacay Caleemo Saarka Suldaan ay Xukuumadu ku Karbaashayso Suldaanka Guud ee Subeer Awal DAAWO
Hargaysa 21.March 2016 (SDN/QJ):- Waxaa magaaladda Hargaysa lagu qabtay Caleemo Saarka Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdirahman Suldaan Diiriye oo noqonaya Ku simaha Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal.
Abaabulka Caleemo Saarka Suldaankan oo Xukuuumadda iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi dabada ka riixayeen isla markaana ay bixinayeen dhaqaalaha ku baxayay Caleemo saarkan ayaa ka danbaysay Kadib markii uu Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C.laahi Suldaan C.raxmaan uu dhaliilo xoogan mudooyinkii u danbeeyay u Jeedinayay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo isla markaana lagu tiriyey inuu u xagliyey dhinaca Mucaaridka.