4 Qodob Oo Ay Salka Ku Hayso Cadaawadda Jabuuti U Hayso Somaliland iyo Dulucda Fariin isugu Jirta Hanjabaad iyo Goodi Siyaasadeed oo Marxuun Cigaal Hawada u Mariyey 16 Sanno ka Hor Jabuuti DAAWO
Hargaysa 21.March 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Todobaadkii tegay aad loo hadal hayay dhacdadii ay Ciidamadda Jabuuti ku soo galeen Xad biyoodka Somaliland isla markaana kula dagaalameen Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland iyadoo uu falkaasi ka dhashay dhimashada hal askari oo Somaliland ah.
Waxaa Xoog la isu weydiinayaa qodobada uu salka ku hayo Cadaawada Jabuuti u hayso Somaliland oo lagu soo uruuriyey afartan qodob.
- Jabuuti waa dal yar oo aan dhaqaale la sheego ama buuran aan lahayn. Dhaqaalaha Jabuuti waxa uu ku xidhan yahay waa adeegga (Service) ay qabato dekaddoodu.Waxaanay aaminsan yihiin in haddii Somaliland ay noqoto dawlad muctarifa, in ay tartan adag la gelayso dekadda Jabuuti taasina ay saamayn taban ku keeni doonto xoogaaga yar ee ka soo gala halkaa.
- Jabuuti waa dal aan lahayn khayraadka dabiiciga ah ee ilaahay dhulka ku mannaystay. Ma haystaan biyo macaan oo ku filan. Waxa ay isticmaalaan dhawr ceel- biyood oo dawladda Itoobiya ka iibiso. M/weynaha Jabuuti, waxa uu tuur iyo tarbiico isugu yeelaa in Seylac iyo aagagga u dhow xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Jabuuti oo ah deegaan biyo macaan ilaahay ku abuuray, in ay ka qotaan biyaha maamulka iyo lahaanshaha dhulkaana Jabuuti lagu soo wareejiyo.
- Waxa jira qodob kale oo odhanaya in xilligii nidaamkii daaquutka ahaa ee Siyaad Barre hogaaminayay,uu ugu ballan qaaday M/weynihii Jabuuti ee xilligaa Xasan Guulleed Abti-doon, isaga oo ku xodxodanaya bal in ay mar uun maamulkiisii uu hoos keeno, in uu siinayo ceel shidaal ah oo ku yaalla magaalada Seylac. Dawladda Jabuuti weli way daba socotaa arrinkaa mar kastana waxa ay ku xisaabtamaysaa hanta shidaal oo laga soo saaro xeebaha gobolka Salal ee Somaliland.
- Nidaamka Dimuquraadiga ah ee ka hana qaaday dalka Somaliland waxa uu walaac ku yahay nidaamka maamul ee dalkaasi Jabuuti oo uu haysto hogaamiye keli-talis ah oo dastuurkii waddankiisa badalay kana dhigay shaadh isagu uu tashay. Mr. Geelle,waxa uu isha ku hayaa nidaamka siyaasadeed ee dimuqraadiga ah ee ka hanaqaaday Somalilaan, kaas oo warwar weyn ku haya maadaama labada shacab is dhex degan yihiin. In dadka reer Jabuuti ay saamayso xorriyadda ay haystaan shacabka, siyaasiyiinta mucaaridka ah iyo saxaafadda Somaliland. Taasoo ku keeni karta kacdoon siyaasadeed oo dalka gudihiisa kaga furma. Iyadoo imikaba la og yahay in uu dastuurkii wax ka badalay,muwaadiniin badana ka eryay waddankiisa.
Dhinaca kale Muuqaalka Khudbadii Uu Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum MAxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Fagaaraha Khayriyada Hargeysa Uga Jeediyey Shacbi-weynaha taasi oo uu Farriin Adag Oo Dublamaasiyad Iyo Hanjabad Isugu Ladhan Ugu Diray sanadkii 2000kii oo uu madaxweynaha hadda u taliya Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle gu’ jirsatay Dawladdiisu oo 1999kii uun xilka kala wareegay dawladdii Xasan Guuleed Abti Doon Ee Jamhuuriyada Jabuuti ka talinaysay.
Xilligaas waxaa ay Jabuuti ku hawlanayd shirkii ay degmada Carta ku mati gelisay ee ay qabqableyaasha soomaaliya dawladda ugu dhisaysay shirkaas oo aakhirkii lagu soo dhisay maamulkii Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Haddava alla ha unaxariistee madaxweyne Cigaaal oo xilligii shirkaasi socday khudbad uu umadda Somaliland ku beraarujinayo ka jeediyey fagaaraha khayriyad Hargeysa waxaa uu kaga hadlay isla weynida uu maamulka Madaxweyne Geelle oo xilligaas raadqaad ahaa ku sifaysan yahay isagoo qaddiyada Somalilandna quudhsanaya.
Waxyaabaha marxuumka ku kellifay in uu si adag ula hadlo dawladda jabuuti waxaa ka mid ahaa iyaga oo weftigiisa ka hor joogsaday shir uu doonayay in uu halkaasi kaga qayb galo. Markii Marxuum Cigaal dalka dib ugu soo laabtay waxa uu maalmo kadib dadweynaha kala hadlay.