Waxgarad ka soo Jeeda Gobolka Sanaag oo Shaaciyey inay istaagtay Dhismaha Waddada Ceerigaabo
Ceerigaabo 21.March 2016 (SDN/QJ): – Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Sanaag, ayaa sheegay in ay istaagtay dhismaha wadada Ceerigaabo iyo Burco Isku xidhaysay isla markaana ay fadhiisteen qalabkii wadadaasi lagu dhisayay.
Madax dhaqameed iyo dadweyne ka soo jeedaa deegaanka Ceerigaabo oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa farriin u diray madaxweynaha Somaliland iyaga oo ka codsaday in uu u hawlgalo sidii loo dhaqaajin lahaa mashruucaas.
Ugu horrayn Eng Axmed Cali Xasan waxa uu sheegay in ay gebi ahaanba istaagay waddadii ceerigaabo dhismihii laga waday, isla marakaana aanay jirin wax shaqo ah oo ka “Wax shaqo ah oo ka socdaa ma jirto wadda ceerigaabo illaa intii uu wasiir xiris ka tegay” ayuu yidhi Eng Axmed Cali Xasan.
Jiif Caaqil Yaasiin Cali Iyo Oday Kalluun, oo ka mid ah cuqaasha,oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Xirsi sidii uu uga tegay shaqadii dhulka ayey ku dhacday oo wax socdaa ma jiraan, sidii uu Xirsi uga tegay waddadii way taagan tahay mana garanayo caqabadda hor taagan Calina aanu khibrad badan u lahayn” ayaa ka mid ahaa hadalladoodii. Suldaan Cali Nuur Wacays (Qudde) oo ka mid ah Salaadiinta Gobolka Sanaag, ayaa isaguna qiray in ay xumaadeen qalabkii lagu shaqaynayey ee waddadaasi lagu samaynayey, waxaanuu caddeeyey in ay jabtay booyaddii daamurka lagu shiilayey, waxaanuu yidhi “Booyadii Daamurka farashaysay ayaa ka jabtay oo dee markaa wixii muddo ayey isla fadhiisteen” ayuu yidhi suldaanku.