Puntland Yaa Neceb???
Waa qormo aan aad u dheerayn,anigoo ah Jibriil Axmed Maxamed ah ayaana qoray. Haddii aad wada akhrisay waad ufsaxantahay inaad fikirkaaga ka dhiibtid,inaad sii faafisid iyo inaad qaadatid oo meelahaaga gaarka ah ku daabacatid.
Maalmahaan dambe iyo maalmihii ka horeeyeyba waxaa baraha bulshada haystay qolyo ku andacoonaya in puntland cadow looga yahay soomaaliya,wax kasta oo puntland ku yimaadana Muqdisho laga soo abaabulay. Hagaag,qolyahaas labo su’aalood oo kookooban ayaan weydiinaynaa.
Muqdisho markaad leedahay yaad ula jeedaan? Maamulka mise shacabka?
Soomaali ayaa horay maansootay “Nin Rag qowl ka dhacay waa Geed qolofi ka dhacday” haatanna waxaan ula jeedaa hadalkaas ah in balaayada puntland kusoo duushay xamar laga soo abaabulay maxaa cadayn ah oo loo hayaa?
Kalmadda ah WAX-MAGARAD waa kalmad ay aad u isticmaalaan soomaalidu,waxayna ula jeedaan qofka sameeya waxuusan garanayn xumaan iyo wanaag waxa uga imaan doona. Haatan anigu waxaan ku arkay soomaalida gaar ahaan kuwa baraha bulshada isticmaala,waxaad arkaysaa Waxmagarad magaca Muqdisho Ama Puntland wata oo aflagaado foolxun u geysanaya dadyoow islaameed,isla halkaas waxaa ka bilaabmaysa cadaawad labada dhinac ee magacyada nimankaasi kala wataan ka dhan ah. Waa iga su’aale goormay gobonimadii soomaaliya lagu xaman jiray gaartay in hadal wax-magarad lagu kala xumaado,laguna kala colloobo?.
Puntland Yaa Neceb?.
Puntland waxaa neceb guud ahaan siyaasiyiinta soomaaliyeed,si la mid ah sida ay soomaaliya oo dhan u necebyihiin,una jecelyihiin dawarsiga iyo gacan shisheeye gacal moodka.
Puntland waxaa neceb wiilka reer puntland ee soomaali oo dhan caayaya marka puntland laga reebo.
Puntland waxaa neceb wax-magaradkeeda dadka soomaaliyeed kala faquuqaya iyagoo calanka puntland ku dhuumanaya.
Puntland waxa neceb siyaasigeeda 18sano xilka ka hayey oo aan weli u samayn kaabayaal dhaqaale,isagoon dawarsan shisheeye?
Puntland waxaa neceb siyaasigeeda raba inuu soomaaliya ka gooyo.
Reer Puntlandnoow Su’aal?
Ma moogantihiin calanka quruxda badan ee soomaaliya inuu sameeyey isla markaana loogu magac daray cawaale oo ahaa nin reer puntland ah?
Ma moogantihiin 13kii wiil ee SYL 8 ka mid ah inay ahaayeen reer puntland?
Ma moogantihiin 9kii sano ee soomaaliya doorashada galaysay (1960_1969) ka hor inqilaabkii Jaalle Maxamed Siyaad Barre,inay soomaaliya yeelatay 2 ra’iisul wasaare iyo madaxweyne reer puntland ah?
Ma moogantihiin daraawiishtii soomaaliya ka sifaysay gumaystihii ingiriiska inay ahaayeen reer puntland?
Ma moogantihiin TALEEX oo ka mid ah deegaanada puntland inay tahay meeshii ugu horaysay AFRICA ee diyaarad lagu weeraray inta si kale wax looga qaadi waayey
Reer puntlandnoow ilaahay baan idin ku dhaarshee idinkoo intaas oo sharaf iyo magac ah ku dhex leh soomaali,maxaa calankiinii quruxda badnaa ee buluuga ahaa idinku diray? Maxaa siyaasiga aad ogtihiin inuu dadka idinka reebayo qabiilka ugu taageeraysaan? Maxaa idinkoo soomaali kumanaan sano magac ku dhex leh idinku dhejiyey maamulka yaree 18sano idiin samaysan? Goormay gobonimo ahaan jirtay in gaar wax loo cuno?!. Miyaadse mooggantihiin in Awoowayaasheen iyo adeeradeen u sameeyeen puntland in lagu sii dangaaro illaa laga helayo maamul dhexe ee soomaali isu keena? Maxaa uga dhigteen maamulkeennii yaraa dowlad soomaaliya inay isu timaado lid ku ah?
Qormadayda waxaan kusoo gabagabaynayaa sheekadaan yar.
12 nov 2014 waxay ahayd markii uhoraysay ee aan xamar tago,magaca magaalada markaan idaacadaha ka maqlaba waxaan ka haystay sawir ah in la isku cuno,ugu yaraanna markaad xabad wiifto ah ka badbaadid aadan ka badbaadayn dadka. Magaalada Gaalkacayo diyaaraddii iga qaaday waxay igeysay Xamar (Muqdisho) xilli qoraxdu sii dhacayso,garoonka diyaarahana waxaa iigu diyaarsanaa saaxiibkay Abuukar Cali oo aan gurigiisa xamar ku dagay.
Dhowrkii maalmood ee hore dadka waan iska ilaalin jiray anigoo ka shakisan inay waxuun iyeelaan,muddo asbuuc iyo ka badan markaan joogayba waxaan tartiib udareemay dadkaan inaysan ahayn dad dhibaato,waxaana si tartiib ah isu fahannay qoyskii aan martida u ahaa,ka dibna dariskii,ugu dambaynna asxaabtii iyo ciyaalkii xaafadda. Muddo 4bil ku dhow oo aan joogay cid wax iyeesha iska daaye waxaan ka bixi waayey marti qaad iyo soo dhoweyn.
Hadda xamar safarkaas ka dib waxaan booqday 2jeer oo kale,markii u badnaana waxaan joogay bil iyo bar,ma jirto asxaabta aan ku leeyahay asxaab la mid ah amaba ka qaallisan,waxaan dareemayaa inay ka weynyihiin kalmad walba oo aan damco inaan ku amaano.
Dulucda sheekadadaydu waxay tahay cidna haka akhrisan reer hebel baa sidaan ah,dadka halkaas dagan way na necebyihiin IWM.
Ogowna shacabka soomaaliyeed waxba isuma qabaan,wayna fududahay inay wixii soo maray ka mayrtaane waxaa ALLE ku salladay siyaasi dullaysan.
Mahdin iyo Nabaadiinno.
DHAMMAAD
W/Q: jibriil Axmed Maxamed
Facebook: Djibriil AhmedNuur
Garoowe, Puntland,Soomaaliya