AL-Shabaabta ka dagaalamaysa Puntland oo Afduubay Qoysas Reer Guuraa ah DHAGAYSO
Garowe 20.March 2016 (SDN/QJ):- Kooxda Alshabaab ee ka Dagaalamaysa deegaanada Maamul Goboleedka Puntland ayaa Qafaashay qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Deegaanka Suuj.
Qaar kamid ah dadka deegaanka suuj oo horay gacanta ugu galay Al-Shabaab ayaa kasoo baxsaday waxaana wararku ay shegayaan in ciidamada Puntland ay u soo galeen.
Wararka qaar oo Niskii danbe ee xalay soo dhacay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadkii la afduubay ay dib u heleen Xoriyadoodii iyaga iyo Qoysas reer guuraa ahaa ee Alshabaab u gacan galay.
Qaar kamid ah dadka deegaankaasi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhamaan dadkii la haystay ay xoriyadooda dib u heleen waxaana jirin wax shuruud ah oo lagu siidaayey xiliga ay siidaynayeen.
Saddex qoys dadkood oo tiradoodu ay kor u dhaafaysa ilaa 20 ruux ayaa sii dayntoodan ay timid kadib markii ciidamadii haysatay ay iskood isaga sii dayeen.
Mid kamid ah dadka deegaankaanka suuj oo magaciisa lagu soo gaabiyey Khaliif ayaa sheegay inuu arkay dadkii lasii daayey ayna wanaagsanayeen caafimaadkooda.
Khaliif oo ka hadlaya sii daynta dadkaasi ayaa yiri” Qoysaskii 3 ahaa ee ay haysteen Al-Shabaab way sii dayeen dadkoodi wax ay waydiiyeena malahan oo wax shuruud ah kuma xirin ciidamada Puntland ayey u soo gacan galeen dadkaasi oo u badnaa Haween iyo Caruur”ayuu yiri Khaliif
Dhankale Wararka nagasoo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegay in lagu soo waddo qaar kamid ah maxaabiis lagu soo qabtay dagaalkii u dhexeeyey ciidamadii dawlada Puntlad iyo ciidamada ay la dagaalayso ee ay ku sheegtay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaabka.