|

EUda iyo Turkiga oo markale isku dayaya inay saxeexaan Heshiiska Qaxootiga oo Muran ka taaganyahay

Brussels, 20,March,2016(SDN/QJ):-Maalintii shalay ayaa magaalada Brussels waxaa  ku kulmay Madaxda EU-da iyo Turkiga iyagoo ka hadlay  inay dhameystiraan heshiiska xal u helida qaxootiga badan ee ka imaanaya dalka Turkiga.

G20 Liderler ZirvesiMadaxda dawladaha Midowga Yurub ayaa xalay wakhti danbe ku gaadhay kulankoodii u gaarka ahaa oo ay ku dhameystirayeen qodobada heshiiskan, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda heshiiska la hordhigo Raysalwasaaraha Turkiga Ahmed Davutoglu oo ku sugan Brussels.

Hadii labada dhinac kuwada qancaan qodobada heshiiskan ayaa waxaa la filayaa in maanta gelinka danbe ay qalinka ku duugaan dhamaan madaxda EU-da iyo Turkiga.

Kulankii xalay ka dhacay Brussels ee hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa lagu lafo gurayey qodobadii uu Turkiga ku xidhay heshiiskan oo ay kamid tahay in wadanka Turkiga loo fududeeyo suuqyada Midowga Yurub iyo isu-socodka ama nidaamka VISA ama dal-ku-galka ay wadaan dalalka EU-da.

Sidoo kale Turkiga ayaa doonaya in la bilaabo barnaamijka wadankaasi uu ku helayo xubinimada Midowga Yurub.

Balse waxaa weli jira caqabado badan, waxaana ka mid ah caqabadaha dhanka Sharciga Caalamiga ah ee la xadhiidha dadka Qaxootiga.

Heshiiskan ayaa waxaa kamid ah in qaxootiga ka yimid Turkiga ee soogaadha jasiiradaha Giriiga dib loogu celin karo Turkiga, qodobkan ayey kasoo horjeesteen hay’adaha xaquuqul Insaanka iyo hay’ada Qaxootiga Caalamka UNHCR.

Waxaa sidoo kale caqabado ku noqday heshiiskan sharuudo uu la yimid dalka Giriiga oo ka codsaday Turkiga inuu aqoonsado Dawlada Jasiirada Qubrus (Cyprus) isla markaana Turkiga u ogolaado maamulkaasi iyo shacabkiisa inay isticmaalaan dekkadaha iyo madaarada dalkaasi.

Comments are closed