Midowga Afrika oo Dalbaday Hoos u dhiga Qiimaha Biyaha iyo Fayo-dhowrka
Addis ababa 19,March 2016 (SDN/QJ):- Haweenayda madaxa ka ah ururka midnimada Afrika Mss Nkosazana Dlamini Zuma ayaa ku nuuxnuuxsatay sida ay lamahuraanka u tahay in bulshada qaaradda loo helo biyo nadiif ah oo ay cabbaan iyo fayodhowr ku habbaan deegaanka ay ku nool yihiin.
Hadal ay Mss Zuma ka jeedisay gebagebadii kulan ku saabsanaa sidii bulshadu u heli lahayd biyo ku filan oo ka dhacay magaalada addis-ababa waxa ay soo bandhigtay liis ka kooban ka qayb qaadshada hagaajinta biyaha, waxana ay ku sheegtay in biyuhu yihiin ilaaliyayaasha caafimaadka wanaagsan iyo qaybaha kale ee nolosha.
: Cuduro badan ayaa laga dhaxlaa yaraaanshaha biyaha la cabbo iyo fayodhowrka, xilli ay door aan laga maarmin ku leeyihiin wax soo saarka beeraha iyo wershadaha” sidaa waxaa tidhi Gudoomiyaha Ururka Midnimada Afrika oo intaa ku dartay in haweenku yihiin cududa ka shaqaysa biyaha iyo cuntada, iyadoo hablaha da;doodu yar tahay ay xitaa waxbarashada ku seegaan qabashada labadaa hawlood ee biyuhu ka mid yihiin taasoo muujinaysa doorka muuqda ee ay nolosha ka qaataan.
Mss Zuma waxa ay ku baaqday in la kordhiyo qorshayaasha iyo dadaalada ku saabsan sidii guud ahaan qaaradda looga wada heli lahaa biyo nadiif ah iyo deegaan fayodhowrkiisu hagaagsan yahay, waxana ay weydiisatay ururadii caalamiga ahaa ee kulankaa ka qaybgalay in la sii labanlaabo taageerada la siinayo hirgelinta labadan adeeg iyo wacyigelinta arintan ku saabsan