|

AKHRISO:- Guddida Guud Ee Beel-waynta Ciidagale Oo War Qoraal Ah Kasoo Saartay Muranka Ka Taagan Banka Qool-cadey

Ku : Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha

gooniKu: Xoolo Dhaqatada Deegaanka

Ku: Bulshadda Deegaanka Qoolcadey

Ujeeddo: Guddida Guud ee SAHAN- BARWAAQO Waa in Loo Dabo Fadhiistaa Arrinka Banka Qoolcadey.

Muddo hada laga joogo saddex bilood Beesha Daauud ismaciil (Ciidagale) shirweynihii beeshu waxay si rasmi loogu doortay Xubnaha cusub ee Guddida guud ee beesha Ciidagale, Guddidan oo ah Guddida kaliya ee metelaysa kuna hadli karta afka iyo magaca beesha guud ahaan.

Waxaa Ayaamahan danbe Saxaafadda adeegsanayey, Shakhsiyaad Ama koox ku hadlaya magaca beesha oo si kala duwan uga hadlay arrinka Seeraha Banka qoolcaday, Guddida Guud ee SAHAN- BARWAAQO Waxay halkan ka cadeyneysaa Cida Qudha ee Dowladdu Siiba Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ay Arrnka Seeraha banka qoolcadey ay kala soo xidhiidhi karto ay tahay Guddida SAHAN- BARWAAQO.

Sidoo kale Dadka Deegaanka oo ay Guddidani meteshona u dabo fadhiistaan Guddida SAHAN-BARWAAQO, Waxaana Mar kasta Rasmi noqon doona Wixii Danta Dalka, Dadka iyo Deegaanka Ay ku Jirto.

Hadaba, Waxaan Ku Wargalineynaa Dadka Deegaanka Iyo Cid walba oo ay Quseyso Arrinta Banka Qoolcadey In ay ka Waantoobaan Iska daba hadalka Xaga Saxaafadda ah, Isla Markaana Guddida SAHAN BARWAAQO looga Danbeeyo Arrink Banka Qoolcadey.

Wabilaahi Tawfiiq

Maxamud Muuse Gooni                                                                                  

Gudoomiyaha Guddida Guud Ee SAHAN BARWAAQO.

Comments are closed