” Puntland hadii ay u baahato Ciidamo Shisheeye Waan u diraynaa” Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya DHAGAYSO
Muqdisho 18.March 2016 (SDN/QJ):-Raysal wasaare ku xigeenka dawlada federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in Puntland hadii ay u baahato ciidamo shisheeyey ay gaynayso dawlada Soomaaliya.
Maxamed Cumar ayaa xusay in Puntland dagaalka ay kula jirto ciidamada ay sheegtay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab hadii ay u baahato awood dheeri ah aysiinayso gacan iyo ciidamada midowga Africa ee AMISOM oo ka qayb qaata dib u dajinta gudaha deegaanada ay ku suganyihin ciidamadaasi.
Raysal wasaare ku xigeenka ayaa xusay inay u jeedadoodu ay tahay sidii ay san xoogagan ugu guurin deegano horleh oo kamid ah dhulka Puntland hadii ay timaado baahi ciidamadasi loogu baahdo ayuu sheegay in la gayn karo.
Madaxwaynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan khudbad uu ka jeediyey maraynkan isagoo lahadlayey jaaliyada Puntland wuxuu sheegay in Puntland aysan u baahanayn ciidamo shisheeye isla markaana ay doonayaan qaybta ay ku bixinayaan ciidamadaasi isagoo sheegay ciidamada Puntland in lasiinayo dhaqalahaasi hadii ay bixiso.
Hadalka Maxamed Cumar ayaa kusoo aadaya iyadoo wasiirka wasaarada amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab uu sheegay in ciidamadan ay soo dirtay dawlada federalka Soomaaliya.