Guddoomiyihii Hore ee Baanka dhexe ee Somaliland oo Beeniyey Warar ku saabsan Sicir-bararka oo laga baahiyey
Hargaysa 18.March 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay War lagu sheegay inuu Sicir bararka Dalka ka taagan ku eedeeyay Masuuliyiinta Baanka iyo Isticmaalka Adeegga ZAAD ee Shirkadda Telesom.
Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi oo Xalay Warbaahinta la soo xidhiidhay, ayaa sheegay in ay tahay been abuur laga sameeyay isla-markaana aanay jirin meel uu Arrimaha uu warkaasi xambaarsan yahay, isagoo ku dooday inuu War wax loogu dhimayo Sumcaddiisa, sidaa daraadeedna uu Maxkamadda ka furanayo Dacwad ka dhan Cidda Warkaasi baahisay oo ah Website-ka Somalilandinformer.com.
“Ma jirto anigu (Cabdi Dirir Cabdi) meel aan Warbaahin caalamiya iyo mid maxaliya aan kula hadlay, Warkaasina waa been abuur shaqsiyadayda iyo sharaftayda meel ka dhac ku ah oo la iga been abuurtay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaan warkaa been abuurka ah ee la iga sameeyay ka xigaa dacwad iyo in aan Maxkamad ka gudbiyo cidda qortay oo ah Somalilandinformer.com waxaana uga fadhiyaa in ay soo caddeeyaan halka ay warkaa ka keeneen iyo cidda been abuurka intaa leeg iga samaysay.”
Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Anigu Hargeysa ayaan joogaa, Cid Warbaahin ah oo aan war siiyayna ma jirto, kamana aqbalayo in sharaftayda been abuur lagu dhaawaco, sidaa daraadeed, Sharciga ayaanu ku kala baxaynaa cidda qortay.”