Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Kormeer ku Tegay Deegaanka Gobolka Awdal,Dareen naxdin lehna ka Muujiyey Dadka u Geeriyooday abaaraha Deegaankaaas ka Jirta DAAWO
Hargaysa 17.March 2016 (SDN/QJ):-Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan cabdilaahi Ismaaciil Saylici ahna ku simaha Madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal gurmad oo degdeg ah waxay ku tageen gobolka Awdal gaar ahaan deegaanadii ay dadku ugu dhinteen waxyeelada ay baartu sababtay.
Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa oo ay ka Mid yihiin wasiirada wasaaradaha gaashaandhiga, Warfaafinta, Ciyaaraha, boosaha iyo xidhiidhka golayaasha ayaa halkaasi gaadhsiiyey gargaar nololeed oo loogu talogalay dadka ay abaartu naafaysay ee Gobolkaasi.
Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisu waxa intii ay joogeen Magaalada Boorama kulan kula qaateen mamulka heer gobol, heer degmo, ganacsatada iyo qaybaha bulshada waxana lagaga wada hadlay sidii gobol ahaan gargaar loogu ururin lahaa dadka ay abaartu barokicisay oo 300 qoys oo ka mid ahi ay ku soo urureen degmada Qun-Ujeed, halkaas oo ay weftigu kulamo kula yeesheen dadka tabaalaysan.