|

Suldaanka Guud Ee Beelaha Samaroon Oo Ka Haddlay Abaarta Duunyadii Iyo Dadkiiba Ugu Dhinteen Gobolka Awdal Iyo Baaqyada Uu Suldaanku U Diray Shacabka Iyo Dowlada Somaliland DAAWO

Hargaysa 17.March 2016 (SDN/QJ):- Suldaanka guud ee beelaha samaroon Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa ka haddlay maanta abaaraha baahsan ee dalka ka jira gaar ahaana gobolka Awdal oo ay dad ku nafwayeen abaaraasi,waxaanu suldaanku wuxuu ilaahay ka baryey inuu abaaraha inaga soo jebiyo oo uu eebe ino naxriisto,isagoo sidoo kale baaq u diray xukuumadda Somaliland iyo dowladaha jaarka ah iyo weliba gacnacsatada dalka ,tijaarta,qurbajooga,kuwaas oo uu dhammaan ugu baaqay in ay caawiyaan dadka gobolka Awdal ee ay abaartu ku haybsadeen.

8c6d4816-d152-46f6-b8bc-dc03406d58f4”Waxaan Marka Hore baaq u dirayaa ilaahay,baaqa labaad-na caalamkaa ayaan u dirayaa,waxaaanan ka haddlayaa abaaraha aan ilaahay mooyaane cid faydi kartaa jirin,ilaahay waxaan leeyahay gacantaadii weynad nala soo gaadh,ilaahay baaqaas ayaan u dirayaa,caalamka waxaan u dirayaa cidii naxariisi ku jirtto qalbiggooda,wixii la iskaga gurmanaye baa haysta wadanka,si look ala ba’anyahayba,waxaan leeyahay gurmad deg deg a, baaqyo badan oo hore in loo diray waan ogahay ana waan biirinayaa,caalamka waxaan leeyahay waddanka abaartta ka dhacday calamku si deg deg ah ha ugu so gurmado naxariista lihi”Ayuu yidhi Suldaanku
Suldaan Saleeban Cali oo haddalkiisa sii wata ayaa ka waramay sida ay abaaru u samaysay gobolka Awdal,isaggoo sheegay in ay abaartu tahay mid ku raagtay halkaasi“Waxa aan gaar uga haddlayaa hadda gobolka Awdal iyo sifuhuu yahay,gobolka Awdal Abaartu isagaa ayay ku horaysey muddo baddan bay soo socotey,roob xeebta ku da’ay-baa loo guuray,halkaas ay umadii ilaaha iskugu wada timi,wixii halkaas loo tegay iyo daaqii way ka dhammadeen,diba loo soo hayaamay,abaar labaad-baa la soo guray xooliihii yaraa ee uu lahaa horta sidaasbay kaga dhammadeen halkaas,xoolihii yaree ee uu lahaa waxa ahayeen lo’o iyo adhi halkaass bay kaga dhammaadeen,gobolkaasi wuxuu u baahanyahay gargaar xoog leh ,dowladaha jaarka ah sida jabuuti iyo itoobiya,&Somaliland-tan uu ka mid yahay intaba gurmad xoogle ayuu uga baahanyahay iyo caalamka intiisa kaleba”Ayuu yidhi Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil

Gebogebadii Suldaanka guud ee beelaha Samaroon Suldaan Saleeban Cali Ismaaciil ayaa baaq u diray gacnasatada tijaarta iyo qurbajoogta,isaggoo sidoo kalena baaq kaas lamid ah u diray Xukuumada Somaliland iyo dowlada deriska ah,waxaanu ugu baqay in indho gaar ah lagu eego gobolka Awdal ee ay abaarta baahsani ka jirto,waxanu xusayey in ay dad gaajo ugu dhintee gobolka Awdal”Baayacmushtariga,tijaarta iyagoon kolka horeba nasan ,waxaan leeyahay kordhiya wixii aad bixiseen,qurbajooga ama awdal ha u dhasho ama somalilnad-ta kale ha-udhashee waxaan leeyahay,gacantina u fidiya dadkaa walaalihiin ah, meel dadki dhintey iminka isaga ayuunbaa la sheegayaa,xalay saddex qof iyo afar qof ayaa la sheegayey,taas ayaa u Abadan ah,gobolkaasi sidaas gaarka ah ayaa dhibaatadisu u badan yahay,waxaan haddalkaga kaga baxayaa ilaahayba gacanta weyn leh isaga ayaa kala furan-doona malaa sidaas inagu dhammayn-maayo naxariistiisa ha inoo soo dedejiyo,caalamka iyo jaararka iyo Somaliland-ba waxaan aad ugu adkaynayaa in gobolkaasi indho gaar ah lagu eego.”Ayuu yidhi Suldaan Saleebaan Cali

Comments are closed