Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Gaadhay Jabuuti,Isla markaana Xaal mastuur ku soo dhamaynaya Xadgudubkii ay Jabuuti ku soo samaysay Xadka Somaliland
Jabuuti 17.March 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tegay Waddanka Jabuuti.
Wasiirka arrimaha gudaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ujeedada Socdaalkoodu uu Salka ku hayo dhacdadii ka dhacday Xeebta Gobolka Salal ee ay isaga hor yimaadeen Labada Ciidan ee Ilaaladda Xeebaha ee Somaliland iyo Jabuuti waxaanu xusay in labada dal uu cilaaqaad wanaagsani ka dhexeeyo isla markaana ay la kulmi doonaan Madaxda Sare ee dalka Jabuuti kana wada hadli doonaan sidii ay wax u dhaceen.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade waxa uu sheegay in ka hor intii aanay Jabuuti gaadhin ay booqasho ku tageen xarunta dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ee Jig Jiga halkaas oo ay kulan ku wada yeesheen Madaxweynaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya kana wada hadleen sii xoojinta Cilaaqaadka labada dal, Isu socodka dhinaca xuduudaha labada waddan iyo sidii loo sii adkayn lahaa arrimaha amaanka.